Wasaarada Amniga Hirshabeelle oo Sheegtey in la diyaariyey ciidamo ka howllgala Deegaanada cadowga laga xoreeyo+Sawirro

Wasiirka amniga dowlad gobaleedka Hirshabeele C/qaadir Aadan Jeelle ayaa Sheegey in munaasabada xiritaanka Tababarkan maanta u goob joog ka ahaa,Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo Taliyeyaasha Ciidamada Hirshabelle saraakiil ka socota Boliiska Federaalka, Amisom Boliis, UN iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Jeelle ayaa waxa u sheegey in dufcadan ciidamana ay tahay Dufcadii labaad ee Ciidanka gaarka ah ee Boliiska Hirshabelle

Wasiirka aya waxau sheegey in dowlad gobaleed ay suura garshey inuu yeesho ciidanka gaaraya ilaa iyo afar Boqol oo ciidan kuwaasi qeyb ka qaadan doono howllgalada Iyo Xaqiijinta Amniga Deegaanada HIrshabeelle

Wasiirka C/qaadir jeelle ayaa sheegey iney dufacadan tii ka horeysey ay ka qeybqaateen isku furka wadada xiriirsa Muqdisho iyo jowhar iyadoo dufacadan maantana ay ugu tala galeeen ka xoreynta degmooyinka maleeshiyadu ay ku dhuumaaleysanyaan iyo sidey u xaqiijin lahaayeen amnigooda

Wasiir jeelle ayaa sheegey in dhawaan ay bilaaaban doonaan howllgalo looga xoreynayo Shabaab guud ahaan deeganada ay kaga dhuumaaleysanayaan dowladd gobaleedka hirshabeele isagoo Qeybaha Shacabka ugu baaqey iney garab istagaan Ciidamadooda.