Uganda Airlines Oo Duulimaad Toos Ah Ka Bilaawday Magaalada Muqdisho

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxa haatan ka socota munaasabad lagu shaacinayo duulimaadka tooska ah ee Diyaaradda Uganda Airlines oo noqonaya mid caalami ah.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ah masuuliyiin ka tirsan dowladda fedraalka Somalia gaar ahaa Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo masuuliyiin ka heer caalami ah oo lagu casuumay furitaanka munaasabadda.

Sidaan oo kale ayaa horay waxaa munaasabado lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa loogu shaciyay diyaarado duulimaad toos ah ka bilaabaya Muqdisho kuwaas oo iskaga kala gooshaya dalal ku yaalla caalamka.

Dulimaadka tooska ah ee diyaaradda Uganda Airlines ayaa fududeyn doona culeys ka jiray dhinaca duulimaadka caalamiga ah iyada oo diyaarado aan iskaga kala gooshi Karin dalalka caalamka qaarkood ay sameyn jireen duulimaadyadaas haatanse waxaa muuqata in laga maarmayo.