Muxuu yahay qaraarka 1267 ee Kenya ay dooneysay in loo adeegsado Al-Shabaab?

Kenya ayaa Qaramada Midoobay ka dalbatay in ururka Al-Shabaab la saaro cunnaqabatayn la mid ah midda saaran ururka Al-Qaacidda iyo kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Balse hay’adaha caalamiga ee deeq bixiyayaasha ayaa sheegay in tallaabadaas ay dhibaato xun gaarsiineyso malaayiin qof oo ku nool Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in Golaha Amniga uu diiday in Al-Shabaab lagu daro diiwaanka madow, kaas oo xannibaad adag saari lahaa ururka.

Qaraarka ay Kenya riixeysay oo tirsigiisu yahay 1267, haddii uu meelmari lahaa wuxuu xannibi lahaa waxkastoo ku socda deegaanada ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.

Qorshahan wuxuu ku soo aaday xilli ay 2.2 milyan oo qof oo Soomaali ah, oo u dhigma 18 boqolkiiba bulshada oo dhan, ay wajahayaan abaar ba’an.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle), ayaa sheegay in ay layaab ku noqotay in Kenya ay dalbatay in Al-Shabaab lagu daro qaraarkan 1267.

“Mushkiladdu ma ahan cunaqabateyn dheeraad ah. Sababta aan uga hornimid waa arrinta gargaarka”, ayuu yiri Abuukar Baalle oo BBC Somali la hadlay.

Ururka Al-Shabaab waxaa hadda saaran cunaqabateyn ballaaran oo Qaramada Midoobey ay ku soo rogtay Soomaaliya.

Sannadkii 1992-dii ayey Qaramada Midoobey Soomaaliya gelisay cunaqabateyn saameyneysa “dhammaan dadka iyo kooxaha loo arko in ay amniga caqabad ku yihiin”, sida uu xaqiijiyay Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobey.

“Sannadkii 2007, waxaa Al-Shabaab lagu daray qaraarkaas tirsigiisu yahay 751 oo sheegaya in dhammaan kooxaha argagixisada ah in laga hor istaago meelaha hub iyo dhaqaale uu ka soo galo”.

Kenya kama aysan jawaabin arrimaha ugu dambeeyay iyo in Golaha amniga uu diiday “in Al-Shabaab lagu daro diiwaanka madow” ee ay ku jiraan ururada kale.

Dalka wuxuu inta badan ku tiirsan yahay gargaar ay bixiyaan hay’adaha caalamiga ah oo la geeyo goobo ay ka mid yihiin deegaannada ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.

Xayiraadda hadda saaran ma ahan mid saameyneysa hay’adaha Qaramada Midoobeey in ay gargaar geeyaan dalka oo dhan.

Qaraarkan cusub haddii uu meelmari lahaa wuxuu ku qasbi lahaa in dhammaan dalalka xubnaha ka ah QM inay hubiyaan in muwaadiniintooda aysan wax dhaqaale ah u dirin deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab ama cid walba oo ku sugan dalalkooda.

Qorshahan wuxuu hor istaagi lahaa in hay’adahaas ay ka howlgalaan deegaannada Al-Shabaab, sidoo kale waxay caqabad ku noqon lahayd Qurba Joogta lacagta u soo dira Soomaaliya. Waxaa laga hor istaagi lahaa in ay lacag u xawilaan ehelladooda ku sugan deegaannada Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Balse Kenya ayaa dooneysa in gacan bir ah lagu qabto ururka ka dib dhowr weerar oo uu dhiig badan ku daatay oo dhulkeeda ay alshabaab ku qaadday.

Digniinta Hay’adaha

“Tallaabooyiin noocan ah wuxuu saameyn ku yeellan doonaan gargaarka oo dembi noqon doona,” ayuu yiri madaxweynaha hay’adda Qaxootiga Caalamiga ah, Eric Schwartz, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Wuxuu intaa ku daray, “Tallaabo kaste oo caqabad ku noqon karta gurmadka horudhaca ah ee hadda, wuxuu yeelan doonaa saameyn aad u xun oo joogto noqota.”

Haddii “dalna uusan diidi lahayn” illaa 29-ka bishan August, 2019, in Al-Shabaab lagu daro diiwaanka madow ee Qaramada Midoobey, ee qaraarka 1267, si degdeg ah ayaa lagu dhaqan gelin lahaa.

Ka dib waxaa shaki la gelin lahaa malaayiin dollar oo gargaar ah oo Soomaaliya loo diro.

Sidoo kale, waxaa la xannibi lahaa dhaqaalaha mushaarka ah ee hay’adaha ay bixiyaan, iyadoo la eegi lahaa sida ay ugu hoggaansamayaan cunaqabateynta, sida ay Reuters ka soo xigatay hay’ad gargaar oo fadhigeedu yahay magaalada New York, oo Qaramada Midoobey kala shaqeysa arrimahan.

Maxaa dhici kara haddii uu dhaqan galo?

“Waxaan ka howlgali lahayn aag aad u dhib badan. Aniga oo ka shaqeeya arrimaha gargaarka, waxaa dhib weyn kala kulmi lahaa bixinta waxyabo gargaar ah, ama waanba wada joojin lahayn ayuu yiri sarkaal ay AFP soo xigatay oo ka tirsan hay’adaha ka shaqeeya Soomaaliya.

Walbahaarka kale wuxuu ahaa in bangiyada, iyagoo ka baqaya saameynta arrintan ay yeelan karto, ay xakameyn lahaayeen adeegyada lacageed ee ay u sameeyaan hay’adaha ka shaqeeya Soomaaliya.

Waa hannaan loo garanayo “yareynta halista” oo dhibaato ka dhigaya in la isu gudbiyo lacago iyo maalgelin.

Intii uu socday hannaanka, waxaa ololeyaal iska soo horjeeday ay ka dheceen xarunta Golaha Amniga Qaramada Midoobey ee New York.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, illaa 20 safiirro hore, Amniga Qaran iyo saraakiil arrimaha Gurmadka ah, ayaa horraantii bishan warqad u qoray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo, xoghayaha maaliyadda Steven Mnuchin iyo madaxa hay’adda USAID Mark Green, waxayna ka dalbadeen in ay diidaan dalabka Kenya.

Dowladda Kenya waxay Al-Shabaab u aragtaa in aysan ka duwaneyn ururada kale ee ka jira caalamka ee cunnaqabateynta la saaray, sida ay saraakiil ka tirsan dowladda ka soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

Ka dib weerarkii Kismaayo, Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in “weerarkaas uu ahaa xusuusin kale oo ah in beesha caalamka looga baahan yahay in ay gacan bir ah ku qabtaan Al-Shabaab” si loogu daro diiwaanka madow ee 1267.

Balse Kenya weli kama aysan hadlin tallabada ugu dambeysay ee ah in Golaha Amniga uu diiday dalabkooda ah in kooxda lagu daro liiska argagaixisada iyo hadalka dowladda Soomaaliya ee ah “in ay dano gaar ah ka leeyihiin qaraarka”.

Xilliga uu qaraarkan ku soo aaday

Marka dhanka abaarta laga eego, waxaa suuragal in Soomaaliya uu qaraarkan ugu soo aaday xilli aan wanaagsanayn, iyadoo roobabkii la filayay aysan si wanaagsan u di’in.

Abaaro is daba jog ah ayaa Soomaaliya ka dhacayay tan iyo sannadkii 2010-kii kuwaas oo sababay in dad badan ay guryahooda ka barakacaan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in shaki ay ka qabto in qaraarka uu ka yimaaddo dhanka dowladda Kenya, sida uu BBC Somali u sheegay Abuukar Baalle.

“Cunaqabateynta waxay tahay in dadka joogo meelaha Shabaabka ee gargaarka u baahan ay gaajo u dhintaan ama ay qaxaan oo taas ay cadaadis ku noqoto dowladda”.

“Shakiga kale ee weyn ee aan qabno wuxuu yahay in Kenya ay u isticmaali karto cid kaste oo ay istiraahdo armay lid kugu yihiin ama dhibaato bay kuu keeno karaan oo ah ganacsi ama siyaasi iyo in ay si fudud ugu dari karto qaraarkan 1267”, ayuu u sheegay BBC.

“Ololaha Kenya ee ka dhanka ah Al-Shabaab wuxuu ku soo aadayaa xilli uu sii xumaanayo xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya kaas oo uu qeyb ka yahay muranka xuduudda badda ee labada dhinac ay isku haystaan,” sida uu sheegay Matt Bryden, oo ah agaasimaha hay’ad khubaro oo fadhigeedu yahay Nairobi lagu magacaabo Sahan.

Xigasho:-BBCSomali