Mid ka mid ah Madaxweynayaashii soo maray Galmudug Danjire Caalin oo ku dhaawacmay shil gaari.

Gaalkacyo:- Wararka laga helaayo Gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhaawacmay Shil Gaari oo ka dhacay Gobalka Mudug, sida uu soo shegayo wariyaha KNN ee Liibaan Cajiib Xaaji

Shilkan Gaari ayaa wuxuu si gaarla ah uga dhacay deegaanka Gawaan oo u dhaxeeya Wasil iyo Hobyo, lamana oga halka uu dhaawaca ka soo ka soo gaaray madaxweynihii hore ee Galmudug Caalim.

Dhanka kale Madaxweyne Caalin ayaa qeyb ka ahaa Madaxda ka qeyb galeysay Shirka ka socda Hobyo ee u dhaxeeya waxgaradka ka soo jeedaa Gobalka Mudug, kaasi oo lagu raadinayo midnimada odayaashaasi.