Booliska Koonfur Afrika oo xiray dad lala xiriiranayo dhibaato loo geystay dadka ajaanibta

Booliska ku sugan magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ayaa xabsiga u taxaabay 17 qof oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen dibadbaxyo rabshado watay oo dhac loogu geystay goobo ganacsi oo ay leeyihiin dadka ajaanibta ah ee ku sugan dalkaas.

Intii ay rabshadaha socdeen waxaa sidoo kale dab la qabadsiiyay dukaamo.

Dibadbaxyada waxay bilowdeen Arbacadii kaddib markii mid kamid ah darawalada takaasida dalkaas la dilay, waxaana la sheegay dilka in uu geystay qof looga shakisan yahay inuu ka ganacsado daroogada.

Mid kamid ah darawalada taakaasida Koonfur Afrika ayaa BBC u sheegay in wax dhibaato ah ama dhac ah aysan geeysan.

“Waxaan dooneynaa qofkii dilay saaxibkeen”, Wuxuu ku eedeeyay booliska in xaaladda ay wax ka qaban waayeen.

Dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacay weeraro kala duwan oo lagu qaaday dadka ajaanibta ah oo ay shacabka dalkaas ku eedeeyeen inay ka qaateen shaqooyinka dalkaas isla markaasna ay iibinayaan badeecado wakhtigoodu uu dhacay.