DFS iyo Banggiga Horumarinta Afrika oo heshiis Mashaariic looga fulinayo Kismaanyo & Baydhabo kala saxiixday +Sawirro

Muqdisho:- Dowladda Soomaaliya iyo Banggiga Horumarinta Afrika ayaa kala saxiixday labo heshiis oo kala ah qeybtii ugu dambeysay ee dhismaha waddooyinka dalka iyo heshiiska mashruuca Biyo gelinta magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo,kaasi oo ay si gaar ah hormuud uga tahay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka saxiixa heshiiskan waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaradda Tamarta & Khayraadka Biyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Maxamed Sheekh, Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Cabdi Aadan Hoosow, Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Cali Qalocow, Wasiiro ka socday Dowlad Goboleedyada dalka, Madaxda Banggiga Horumarinta Afrika iyo Saraakiil ka socotay hay’adda IOM.

Dhanka Dowladda Soomaaliya waxaa heshiiska u saxiixay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow halka dhinaca Banggiga horumarinta Afrika u saxiixay kuxigeenka agaasimaha guud ee Banggiga horumarinta Afrika Mrs. Ninenna.