Shixnado Diyaarado Hub iyo Ciidamo wada oo ka dagay Magaalada Dhuusamareeb

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaa in saakay Garoonka diyaaradaha Magaaladaas ay ka degteen diyaarado siday hubka iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wariyeyaal ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in mid kamid ah diyaaradaha ka degay halkaas ay waday hub farbadan,waxaana la socday Ciidamo ka tirsan dowladda,iyagoo la tilmaamay inay ka soo baxeen Magaalada Muqdisho.


Maalin kahor Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka degay diaayardo siday Ciidan badan,kuwaasi oo la wareegay Xarumo muhiim ah oo ku yaalla halkaas oo qeyb ay ka tahay Xarunta Madaxtooyadda Dhuusamareeb.

Ciidamadaas ayaa la wareegay Xarunta lagu qabanayo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo ammaanka garoonka diyaaradaha,halkaasoo horay amnigiisa ay u sugayeen Ciidamada DANAB.

Dhawaan ayay aheyd markii hogaanka Ahlusunna Waljameeca ay ka horyimideen in Ciidamo ka socda dowladda Soomaaliya la geeyo deegaanada Galmudug,waxaana ay walaac xoogan ka muujiyeen Ciidamada lagu soo daabulayo Magaalada Dhuusamareeb.