Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa amniyaadka oo xalay lagu qabtay Muqdisho

Ciidamada ammaanka ayaa xalay gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku sugnaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan kuwa amniga ee dowladda ninkaasi ayaa laga soo qabtay guri uu ku sugnaa oo ku yaalla xaafadda Carafaad ee degmadaasi.

Ma shaacin saraakiishu magaca ninkaasi iyo waxa uu u qaabilsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxay intaasi ku dareen in haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana ay faah faahinta dib ka bixin doonaan.

Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka waday xaafadaha magaalada Muqdisho.

Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa dilal iyo qaraxyo ka fuliya magaalada Muqdisho gudaheeda iyo hareeraheeda.