Kulamo xasaasi ah oo ka socda Dhuuramareeb (Waxyaabaha looga hadlayo)

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa ka socda kulamo xasaasi ah oo u dhaxeeya Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Siyaasiyiin, qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka deegaannada Maamulka Galmudug iyo xubno matalayay ururrada bulshada.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi looga arrinsanayo sidii loo xalin lahaa khilaafyada hareeyay shirka dib u heshiisiinta ee ka furmaya magaaladaasi Dhuusamareeb, iyadoo kulankaasi ay ka soo qeyb galeen xubno isugu jira ay ka mid yihiin Senator Jawaahir Axmed Cilmi,Siyaasiga Cali Yare Cali iyo Odayaal ka kala yimid Magaalooyinka Gurceel, Matabaan Gala-jir, Xanan-buure, Mareer-gur, Gadoon, Dhuusamareeb iyo deegaano kale.

Qodobada ugu waaweyn ee ajandaha shirka ayaa ahaa sidii xal looga gaari laha kala aragti duwanaanshaha soo kala dhex-gashay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlsunna, qabsoomida shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo dhismaha Galmudug lagu mideysan yahay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulamada inta badan la isku afgartay,hayeeshee maanta ayaa la filayaa in dib la isugu soo noqdo si loo dhameystiro qorsheyayaasha hor yaala xubnaha kulanka yeeshay, iyada oo sidoo kale la filayo in dhawaan Dhuusamareeb in uu ka furmo Shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega Galmudug.