Hormuud: Caddeyn ayaan u haynaa in ay ciidanka Kenya burburiyeen xarumaheena.

Xarumaha shirkadda Hormuud ee ku yaalla deegaannada saaran xuduudda Soomaaliya iyo Kenya aya bartilmaameed ah, waxaana burbur loo geystay illaa 12 xarumood tan iyo sannadkii 2017kii.

Weerarkii ugu dambeeyay oo ka dhacay deegaanka Cows-qurun oo u dhow degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaa lagu burburiyay anteenada iyo qalabkii shirkadda ee halkaas ka shaqeynayay.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa cambareysay burburinta biraha isgaarsiinta. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayey dowladda ku sheegtay in “saameyn weyn oo dhanka ganacsiga iyo nolosha ah ay arrintan yeelaneyso”.

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeyso burburinta xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee Soomaaliya, balse way ka gaabsatay in ay ka jawaabto.

Jawaabta Hormuud

Muxiyadiin Xasan Cosobow, oo ah agaasimaha warbaahinta iyo suuq geynta shirkadda Hormuud, ayaa BBC Somali u sheegay in isgaarsiintooda “aan loo adeegsan arrin amniga wax u dhimaysa”.

Haweeney telefoon ku hadleysaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES/THE WASHINGTON POST
Image captiondadka isticmaala telefoonnada waxay kala xiriiraa qaraabadooda ku sugan gudaha dalka iyo dibadda

War qoraal ah oo ay soo saartay Hormuud waxay ku sheegtay in anteenooyiinka la burburiyay ay sababtay in qadka uu ka go’o illaa 4,000 oo qof.

Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta ayaa tilmaamay in AMISOM ay “ka dalbanayaan in ay dowladda Soomaaliya kala qeyb qaadato baaritaanka weeraradan soo noqnoqday”.

Wuxuu Wasiir Cabdi Canshuur Xasan sheegay: “Waxaan aaminsanahay in ay muhiim tahay in tallaabada ku habboon laga qaado cadawgan u bareeray beegsiga dhaqaalaha iyo ganacsigeena si waafaqsan shuruucda caalamiga ah”.

Muxiyadiin Xasan Cosobow ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay burburinta wuxuuna tilmamay in ay caddeyn u hayaan: “Waa ciidanka Kenya oo wata qalab militari. Waxay arrintan billaabeen 2017”, ayuu yiri.

isagoo ka hadlayay shaqadooda wuxuu yiri: “Waxaa loogu talagalay in ganacsi loo adeegsado. Cid si qalad ah u isticmaasha maba u ogolaano isgaarsiinteena oo ku kooban deegaannada Soomaalida oo keli ah”.

“Waxaan ku xaqiijineynaa in aan hayno dukumiintiyo caddeynaya in ay yihiin ciidanka Kenya. Waxaan haynaa dad marqaatiyaal ah. Waxaan haynaa in dadka deegaanka ay u sheegeen in ay burburin doonaan shirkadaha isgaarsiinta ee meelahaas ku yaalla”, ayuu hadalka ku daray Muxiyadiin.

BBC ayaa la xiriirtay afahyeenka dowladda Kenya, Cyrus Oguna, wuxuuna ka gaabsaday in uu ka hadlo eedahaas uga yimid dhanka dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Hormuud.

Balse shirkadda ma oga sababta loo burburiyo xarumahooda xudduudda ku yaalla wuxuuna madaxa warfaafinta ee Hormuud sheegay “Waa marmarsiiyo ammaan, innaga siyaasiyiin ma nihin, waxaan nahay dad shacab oo ganacsato ah “.

Bir isgaarsiin ahLahaanshaha sawirkaERIC LAFFORGUE/ART IN ALL OF US

Isgaarsiinta Hormuud waxaa laga adeegsanaa inta badan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxayna sheegayaan in aysan jirin cid ay la leeyihiin xiriir dhanka amniga ah”.

“Wax xiriir ah oo nalala soo sameeyay ma jiro, cid aan dhibaato ku hayno ma jirto, ma garaneyno sabab ay noogu marmarsiyoon karaan,” ayuu yiri Muxiyadiin Xasan Cosobow, Agaasimaha warbaahinta iyo suuq geynta ee shirkadda Hormuud.

Ilhaan Cumar, oo ah xildhibaan ka tirsan Congress-ka Mareykanka, ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dowladda Soomaaliya in AMISOM ay difaacaan shirkadda isgaarsiinta Soomaaliya oo ay ku tilmaamtay wax muhiim u ah shacabka.

Xigasho:BBCSomali