Barre Hiiraale “Waxaa muhiim ah in gacan la siiyo Al-Shabaab, si loola dagaalamo ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya..”

Muqdisho:- Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo Horay u soo noqday wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay idaacadda Kulmiye, wuxuu uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, dagaalka lagula jira Al-Shabaab iyo dhibaatada ciidamada Kenya ka geystaan Gudaha dalka Soomaaliya.

Gen Hiiraale ayaa sheegay inay muhiim tahay in xiligan gacan la siiyo Al-Shabaab, si buu yiri loola dagaalamo ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya, isagoo shacabka ka dalbaday inay taageero u muujiyaan Al-Shabaab.

Barre Hiiraale ayaa arintan sabab uga dhigay in dowlada Kenya ay duulaan ay ku tahay dalka soomaaliya, awooda jabin kartana ay tahay in dagaalamayaasha Al-shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Barre Hiiraale ayaa sheegay in gacmo shisheeye ay faraha kula jiraan arimaha soomaaliya, islamrkaana ay dhib badan ku hayaan qaranimada umada soomaaliyeed .