Al-Shabaab oo maanta ciidanka dowladda iyo AMISOM ku weeraray Golweyn.

Golweyn:-Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dagaal muddo kooban socday ayaa deegaankaas ku dhexmaray AMISOM iyo ciidamada dowladda oo dhinac ah iyo Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday saldhigyo ku yaala Golweyn.

Dhanka kale xaalada deegaanka ayaa hadda ah mid degan, waxaana goobihii lagu dagaalay howlgalo amni xaqiijin ah ka wada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha ka dhashay dagaalkaa, iyadoo wararka ka imaanaya Dagaalkaasi ay sheegayaan in labada dhinac ay khasaaro kala kulmeen dagaalkaasi, inkastoo ay khasaarahooda kala badan yihiin.