Senator C/qeybdiid “Madaxda Dowladda federaalka kama soo bixin kaalintii laga doonayay ee dib u eegista Dastuurka dalka..”

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banana ee dib u eegista Dastuurka Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa eedeyn wuxuu u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka & kuwa Maamul goboleedyada.

Hadlakaan ayuu ka sheegay shir maanta Guddiyada Dastuurka uga furmay Garoowe ayuu sheegay in 10kii Cutub ee horay ugu gudbiyeen Dowlad Goboleedyada ee dib u eegista lagu sameeyay aysan wax jawaab ah ka soo bixin,hayeeshee uu rajeynayo in 15-ka kale ay u gudbin doonaan laga mira-dhalin doono kana soo jawaabi doonaan.

Dhanka kale wuxuu ku eedeeyay in Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya kaalintii laga doonayay ee dib u eegista Dastuurka dalka aysan ka soo bixin,isla markaana waxaaa uu rajeeyay in Shirka Maanta uga furmay garoowe uusan noqon kaliya isku imaatin,hayeeshee laga run sheegi doono.