MAXAMED DAHIR: “Wax badan ayaa ka qaldan dhallinyarada wiilasha & gabdhaha qoraya Buugaagta”

Magaalada Muqdisho waxaa dhowaan lagu soo gabagabeeyay carwo lagu soo bandhigay buugaag ay qoreen qorayaal u badan dhallinyaro isugu jirta wiilal iyo gabdho qaarkood da’doodu aad u yar tahay.

Guddoomiyaha Akadeemiya goboleedka afka Soomaaliga Maxamed Daahir Afrax oo aan ka qeyb gelin bandhigaan ugu dambeeyay ee dhowaan Muqdisho ka dhacay ayaa isagoo ku sugan magaalada London ee wadanka Ingiriiska waxa uu ka hadlay carwooyinka lagu soo bandhigo buugaagta ee ku soo badanaya dalka Soomaaliya.

“Wax badan ayaa ka qaldan dhallinyarada wiilasha & gabdhaha qoraya Buugaagta” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Daahir oo u waramayay idaacadda VOA-da, waxa uuna tilmaamay in dhallinyaradaasi ay u baahan yihiin wacyi gelin badan iyo inay marka hore badiyaan akhriska inta aanay buug qorin.

Waxaa kale oo uu sheegay Guddooyaha AGA in qoraaga wanaagsan uu yahay kan akhriska badiya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhallinyarada buugaagta ku soo bandhigay carwada Muqdisho dhowaan qaarkood ay da’doodu ka hooseyso 15-sano jir, sidaasi daraadeedna buugaagtii ay soo bandhigeen uu khalad fara badan ka buuxo habka u qoreen afka Soomaaliga.

Dhinaca kale hadalka iyo talooyinka Guddoomiye Maxamed Daahir Afrax ayaa ku soo beegmaya xilli gobolada dalka Soomaaliya shantii ugu dambeysay ku soo badanayeen carwooyinka lagu soo bandhigayo buugaag inta badan ay qoreen dad aan khibrad iyo aqoon u laheyn qoraalka buugaagta.