Caro xoogan oo ka dhalatay haweeney lagu toogtay dalka Sweden

Magaalada Malmö ee caasimadda 3aad ee dalka Sweden, ayaa maanta haweeney ugu dilay. Nin la runsan yahay in falkaas ka dambeeyey, ayaa goobta ka baxsaday markii uu haweeneyda xabadaha ooda kaga qaaday. Muuqalo dad goob jooga ahaa ay ka duubeen ayaa waxaa ka muuqday nin xabad gacanta ku sita oo wejiga u daboolan yahay, kaas oo hadba dhinac u carayey.

Haweeneydan ayaa boolisku sheegen in ay aheyd qof lugu raad joogay oo si bareer ah loo dilay. Haweeneydan ayaa sidoo kale dhabta ku sidatay ilmo yar markii xabado si arxan darro ah ooda looga qaaday.

Falkan oo ah mid argagax iyo carro xoogan dhaliyey, ayaa waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay ra’iisal wasaaraha, wasiirada Gaashaandhigga, Arrimaha gudaha iyo madaxa xisbiga mucaaradka ah ee Moderat-ka.

“Aad baan uga argagaxay, waa gowrac qayaxan oo maalin cad la fuliyey, waxeey tani dareen u tahay sidda aan ugu guul dareeysaneeynay dagaalka ka dhanka ah kooxaha ammaan darrada wada ee gangs-ka, waa mihiim in dib loo soo celiyo xakameyntii booliska” ayuu yiri Ulf Kristersson oo ah gudoomiyaha xisbiga Moderat-ka.

Sidoo kale ra’iisal wasaaraha Sweden Stefan Lövfen oo isagana arrinkan ka hadlay ayaa sheegay in ay aheyd tallabo waadix ah. “Carruur ayaa hooyadood waayey, waana mid na carro gelisay aniga iyo guud ahaan dadk dalka oo dhan, waa mid aan shaqo ku laheyn haba yaraatee bulshadeenna” ayuu ku yiri qoraal u soo diray wakaaladda wararka Sweden u faafisa ee TT, waxaana uu hoosta ka in falkaasi ahaa gowrac toos ah oo muuqday.

Dhinaca kale wasiirka Gaashaandhigga Sweden, Mikael Damberg ayaa isagana tilmaamay in horey loo arkay dhacdooyin kuwaan la mid ah oo soo laa laabtay, kuwaas oo fariimahooda waadix ah. Balse arrintani noqotay hooyo carruur sidatay oo dil bareer ah loo geeystay maalin cad, aadna u dhibsaday.

Wasiirka arrimaha gudaha Morgan Johansson,oo isna codkiisa ku biiriyey dhacdadaan cabsida abuurtay, ayaa qoraal uu bartiisa Twitter soo dhigay ku sheegay in gacan ku dhiiglihii falkaas geeystay xitaa hadduu tago cirifka ugu dambeeysa adduunyada looga daba tagayo.

Mudooyinkan ugu dambeeyey ayaa Sweden magaalooyin kala duwan oo ku yaala waxaa ka dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo, u dhaxeeya kooxaha Gangs-ka loo yaqaano, kuwaas oo dagaal wejiyo badan lehi ka dhaxeeyo.

By Ikraan Cali Kaar