ARDAYDII DUFCADDA SIDDEEDAAD (BATCH EIGHT) EE KULLIYADDA BEERAHA JAAMACADDA BENADIR OO DIFAACATAY BUUGAAGTII QALIN JEBINTA EE B.Sc. CILMIGA GUUD EE BEERAHA

Waxaa 25 Bishan Agosto 2019 difaacday buugaagtoodii qalin jebinta ardaydaydii Kulliyadda Beeraha Dufcaddii toddobaaad ee jaamacadda Benadir.
Kulanka waxaa lagu qabtay xarunta jaamacadda Km 5 ee Zope waxaana ka soo qeyb galay kulankaas dad ay ka mid ahaayeen Guddoomiye Ku Xigeenka dhinaca wax barashadaJaamacadda Benadir Eng. Khaliif Muuse ,Agaasimaha kambaska Km 13 ee Dr.Shahiid ahna hormuud ku xigeenka kulliyadda caafimaadka iyo xannaanada xoolaha Dr. Cumar Maxamuud Kulmiye,hawlwaddeenno ka socda jaamacadda ,macallimiin, marti sharaf kale iyo arday ka kala socotay fasallada kala duwan ee Kulliyadda.

Ayaadaha qur.aanka ka dib waxaa war bixin guud oo ku saabsan kulliyadda soo jeediyay hormuudka kulliyadda Beeraha Dr. Maxamed Cali Sh. Cabdi si gaar ahna wuxuu uga war bixiyay dufcadda iddeedaad isagoo soo dhaweeyay dhamman dadkii ka soo qeyb galay kulanka wuxuuna ku soo dhaweeyay Guddoomiye ku Xigeenka Eng Khaliif oo furay kulanka si weyna uga hadlay ahmiyadda Kulliyadda Beeraha kulana dardaarmay aqoon yahanka manta ka qalin jebiyay kulliyadda in ay cilmigooda uga faa;iideeyaan ummaddooda wuxuuna ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen..
.
Markay doodaha dhammaadeen waxaa halkaa ka hadlay madaxa shaqada, shaqaalaha iyo tababarrada Jaamacadda Benadir Mudane Nuur Abdulle Afrax oo xubin ka ahaa guddiga qiimeynta buugaagta qalin jebinta wuxuu si fiican uga hadlay ahmiyadda cilmibaarista iyo sida wanaagsan ee loo qoro. Ugu dambayentiina aad ayuu ugu hambalyeeyay qalinjebiyayaashas.

Gebagebadii waxaa kulanka soo xiray Agaasimaha Xarunta Km 13 ee Dr Shahiid ahna Hormuud Xigeenka Kulliyadda xannaanada iyo caafimaadka xoolaha oo guud ahaan u mahad celiyay ka soo qeyb galayaasha kulanka wuxuuna kula dardaarmay qalin jebiyayaasha inay aqoonta meeshaas ka sii wadaan wuxuu ugu hambalyeeyay wax barashada ay u soo dhabar adeygeen wuxuuna u rajeey guul iyo horumar.

Waxaa sidoo kale gegebadii kulanka ka hadlay Cabduqadir saalax Nuur oo ka mid ahaa qalin jebiyayaasha oo u mahad celiya guud aan Maamulka Jaamacadda Benaadir gaar ahaanna Maamulka ,Shaqaalaha iyo macalimiinta Kulliyadda beeraha.