Madaxweynaha Puntland oo shir sanadkiiba mar la qabto ka furay Garoowe (Sawirro)

Mudane Siciid Cabdillaahhi Deni Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa furay shirka labaad ee Doodadaha Xagaaga, kaasoo sanadkii labaad lagu qabtay magaaladda Garoowe.

Madaxweyne Deni waxaa shirkaasi ku wehlinayay Ra’iisal Wasaarihii Dowladdii Madaxweyne AUN C/llaahi Yuusuf Axmed laguna magacaabo Prof. Cali Maxamed Geedi, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan maamulkiisa Puntland, mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo shirkaasi ka soo qeyb galay aqoonyahano iyo madax ka tirsan ururrada bulshada qeybahooda kala duwan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo khudbad in ka badan 20 daqiiqo socotay shirka ka jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimadda dib u heshiisiintu u leedahay Ummadda Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah arrimaha looga hadlayo Dooda Xagaagan iyo araa’da la isugu dhaafsanayo.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in doodu ay tahay wax wanaagsan, isla markaana ay ka dhalankarto in la heshiiyo, waxaana uu ballan qaaday wixii kasoo baxa doodan in maamulkiisu u fulin doono sida ay tahay.

“Sharaf wayn bay u tahay Puntland inay kulamada noocaan oo kale ah martigaliso, waxaana ku baaqaynaa kulamada geedi socodka Soomaaliya looga hadlayo inay Puntland aad u soo dhawayso. Waxaana jeclaan lahaa halkaan inaan maanta ka sheego inay Puntland diyaar u tahay inay marti galiso qodobada aadka looga doodo oo mar walba soo noqnoqda oo la yiraahdo maqaamka Muqdisho in Garoowe looga hadlo ayaan soo dhowaynayaa”. Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland iyo Machadka SIDRA oo qabsoomidda Shirka iska kaashaday, waxaaana uu tilmaamay inuu rajo wanaagsan ka qabo inay ka soo bixidoonaan qodobo kayd u noqondoona Ummadda Soomaaliyeed.