Al-Shabaab oo baahisay muuqaal ku saabsan qaraxyada ay Muqdisho ka geysato

Warbaahinta AlKataa’ib ee ku hadasha afka ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaallo ku saabsan qaraxyo ay Muqdisho ka geysatay iyo raggii fuliyay, kuwaasi oo u badnaa hoteelada iyo xarumaha dowladdu leedahay.

Filim gaaban oo ay baahisay shabakadda Al-Shabaab taageerta ayaa waxaa ka soo muuqday madax, xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo jeedinayay khudbooyin la jarjaray.

Xubnaha hadlay waxaa ka mid ahaa AUN Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo Xildhibaanada ku eedeynaya inay isku koobeen Hoteelada Muqdisho, waxaa kale oo ka mid ahaa Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Yuusuf Axmed Jimcaale Madaale.

Weiye sharaxayay muuqaalka Al-Kataa’ib baahisay ayaa sheegay in qaraxyada ay la beegsanayaan Hotelada iyo xarumaha Dowladda Allah lagu raalli gelinayo, taasi oo sida uu sheegay jawaab ugu noqoneysa duullaan uu sheegay in Soomaaliya lagu soo qaaday.

Dhinaca kale Hotelka SYL oo aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Villa Somalia qaraxyo dhowr ah oo uu ka geystay ururka Al-Shabaab waxa uu ku tilmaamay in halkaasi ay degan yihiin madax ka tirsan Dowladda, iyadoo muuqaal Hotelkaas laga soo duubay sanadkii 2016-kii shirka madaxda dalalka IGAD.

Filimka Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay qaraxyada iyo goobaha ay la beegsadaan, waxaana mid ka mid ah raggii isku qarxiyay Hotelka Dayax oo lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi oo u dhashay qabiilka Ogaadeenka sida ay sheegtay AlKataa’ib ka haday sababaha uu isku miidaaminayo inay tahay Soomaaliya oo gaalo ku soo duushay.

Dhinaca kale Filimkaan ay Al-Shabaab soo bandhigtay isla markaana guulo ku sheeganeyso inay ka gaartay hadafkii ay ka laheyd ayaa galaaftay nolosha malaayiin ruux oo shacab rayid ah, halka ay ku curyaameen boqollaal dad shacab ah oo aan waxba galabsan.