Madaxda Dalku markey Xoolihii ay Xadeen ku soo Xajiyaan, Xaaji ma qortaan..!!!=Nasashada Jimcaha.Q-162aad=

1- Somalida, Haddii Nin Masuul ahi dhinto wexey dhahaan: Janatul Fardoosa Alla ha geeyo, waxa uu ahaa wadani ah, Qur’aanka yaraantiisii ayuu Baraty, waxa uuna ahaa Qof Af gaaban.

Somaalidu Janatul fardoosa kaliya miyey yaqaaniin, Ilaa hada lama arag qof Af dheer oo dhintay, khaa’inul wadan iyo Qof weynaantiisii Qu’aanka ku baraty. Saddexaa ma dhintaan miyaa?. Xattaa hadduu dhintay Qofku wixii uu ahaa wax aan aheyn haddad ka sheegto waad ku dimbaabee, Qur’aankuba waxa uu noo sheegay Dad wanaagsanaa iyo kuwo xumaa oo dhinatay.Qofku hadduu wadda xun ku socday dadka u sheeg si eynan ugu khaldamin.

( Fircoon Somali ahi haduu Dhinto, maxeey dhihi doonaan?)

2- Nin ayaa u tagay Nin Caaqil ah kuna yriri: Caaqiloow waxaan rabaa in aan ogaado Ceebteyda? Caaqilkii ayaa ku yiri: Haddii aad rabto in aad ogaato ceebtaada, Xaaskaaga u sheeg mid ka mid ah ceebaheeda: iyadaa kuu sheegi doonto dhamaan Ceebahaaga, kuwa Ehelkaaga, kuwa Asaxaabtaada, iyo xataa ceebaha Wadamada deriska ah. ( F.S:1aad)

( Nin Siyaasi ah mid ka mid ah Ceebtahiisa u sheeg. Waxa uu ku leeyahay Ceeboo dhan shacabkaayaa leh, Caruurta iyo Curyaamiintaana ugu daran, inta kalena waa la mid, Shacabku ma rabaan Nabad iyo Horuumar. Ma ogu Siyaasigu Ceebta kaliya ee shacabku leeyahay in ey tahay in ey isaga Siyaasi Hogaamiyo ka dhigteen)

3- Nin oday ah ayaa Galab khamiisaad ku yiri Xaaskiisa: Gacaliso, mar kasta oo aan Garka xiirto, Madaxna aan madoobeysto, waxaan is moodaa Nin Da’yar oo 25 jir ah. Xaaskii oo warkaasu dhibayo ayaa ku tiri: Caawaa jimca ah, waxaa fiicnaan leheyd, markaan sariirta tagno in aad Garka xiiratid. Duqii war dambe lagama maqal. (F.S: 2aad)

( Nin Siyaasi ah ayaa yiri: Haddi la i doorto, waan u maleynayaa in aan idiin qaban doono……… markii la dooray war dambe lagama maqal.

4-Sarkaal Reer Waqooyi ah oo ka tirsanaa Nabad sugida, ayaa yimid Xamar, isaga oo hor maryo Guri Xaafada Howlwadaag ku yaal, ayaa Gabar yar oo biyo banaanku ku daadineeysay Fanfaniin ka soo gaaray. Isaga oo careeysan ayuu ku yiri: “NAA SAAD LEEDAHAY”. Waxa ey u qaadatay in uu leeyahay “Naaso ayaad leedahay”. Gabadhii ayaa carootay oo u qeylisay Labo walaalaheed ah oo gudaha ku jiray, kuna tiri: Ninkaan weyn ayaa i caayay oo Naasaheeyga ayuu wax ka sheegay, Biyihii wasada ahaa ee haray ayaa madaxa loo galiyay, Kadibna Feer iyo faralaab ilaa uu dhulka ka dhao. Dacwadii ka dhalatay 6 bilood ayey ka socotaa Saldhiga boliska Howl wadaag.( F.S: 3aad)

( Wiilashu Badnaa ma hubsadaan waxay u sheegaan Gabdhaha walaalahood ah, Beeluhuna ma hubsadaan waxa u sheego Siyaasigoodu)

5- Nin Reer Hargesa ah iyo Nin Reer Laas caanood ah ayaa kulamay. Kii Reer Laascaanoodka ayaa yiri: waxaa mahad leh Allihii Muslimiin naga dhiga, Haddana Nabi Muxammed SCW naga soo dhax saaray.

Ninkii Reer Hargesa oo aan si fiican u fahmin Hadalka Saaxiibkii ee ah “naga soo dhax saaray” ayaa u qaatay “inuu leeyahay Nabi Muxammed SCW, Nin Dhulbahante ah ayuu ahaa. Kii Reer Hargeeso ayaa yiri: Hebeloow, Dee Imminka ma waxaad i leedahay Nabi Muxammed annaguu naga dhashay?.

Ninkii Reer Laas caano ayaa yiri: Haa, Nabi Muxammed Annaga Muslimiinta ah ayuu naga dhashay. Ninkii Reer Hargaysa ayaa yiri: : War Miyaad Waalantahay! oo Hadda waxaad i leedahay Nabi Muxammed Dhulbahantuu ahaa?. Saaxiibkii ayaa yiri: sow taan kuu sheegay Dee, Annaguu naga dhashay.

Ninkii Reer Hargaysa yiri: Waar Ina Adeerow Haddii Nabi Muxammed (S.C.W) uu idinka dhashay dee waa kuma Annaga Nabigayagu?.

Ninkii Reer Laas caano ayaa yiri: Saaxiibow waxaan ummalaynayaa Nabigiinu inuu yahay Nabi Luud CS!!.

Ninkii Reer Hargaysa yiri: Waar iga walle kaasi hadduu Nabi ka soo haro ineynaan qaadaneeyn, dee waan ku Nabi la’aan, ee mid kale noo sheeg ama nagu kala wad. Ninkii Reer Laascaanood inta Qoslay ayuuu yiri: War Saaxib Nabigu ma xumeyn ee Qoomkiisaa xumaa.( F.S: 4aad)

( Ma maleyn kartaa Heerka ay gaarsiisan tahay Qabyaalada Somalidu?. Dadka Diinta hala baro, Qabyaalada iyo Diintana hala kala saaro)

6- Faarax Cigaal oo Deyn badan looga lahaa Dukaan Burco ku yaal ayaa Xajka aaday, markii uu soo noqday ayuu Dukaankii tagay, kuna yiri: Soo Saar Buuggii Deyntu iigu qorneyd. Dukaanlihii oo farxsan ayaa ku yiri: War faaraxoow Xajka waad ku soo fiicnaatay, hadiiba aad deyntii Xasuusatay oo aad go’aansatay in aad iska bixiso.

Faarax ayaa markii Buugga la furay ku yiri: Wixii Lacag ah Gadaal ayaan ka Xisabineynaa, ee maanta kadib u Bedel Magaca XAAJI Faarax, Odayaasha Xaajiyaasha ah ee Magaalada ayaan ka mid ahaye, Deyntuna hedeyna galin Dunuubti Carafo lagu cafiyay, Shiikh Qaasum ayaan weydiineynaa Diintu waxa ey ka qabto Xaaji Deyn loo heysto.( F.S: 5aad)

( Madaxda Dalku markey Xoolihii ay Xadeen ku soo Xajiyaan, Xaaji ma qortaan, laakin Xoolihii Ummaddu ku lahayd ma waxay u maleeyaan in Carafo looga soo cafiyay)

Qore: Yahya Amir