Dowladda Kenya oo taageertay doorashadii Madaxweynenimo ee Axmed Madoobe (War saxaafadeed)

Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Kenya ayaa soo saartay qoraal ay ku taageereyso doorashadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay mar kale Madaxweyne Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe).

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Kenya taageersan tahay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Cabdi Maxamed C/raxmaan, iyadoo sidoo kale uga mahad celisay odayaasha dhaqanka doorkii ay arrintaasi ku lahaayeen.

“Kenya iyo maamulka Jubaland waxay ka wada shaqeeyeen inay si nabad ah ku dhacdo doorashada Kismaayo” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Dowladda Kenya qoraalka ay soo saartay ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad aad u weyn ay u dhaxeyso dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ku mursan xuduuda Badda isla markaana dacwadoodu taallo maxkamadda ICJ-da, waxayna arrintaasi sababtay in xiriirka labada dal maalinba maalinta ka dambeysa sii xummaanayay.