Soomaaliya oo guul ku bilowday cayaaraha All African Games 2019+Sawirro

Somaalia  ayaa guul ku bilowday ciyaaraha  All African Games qabtiisa Taekwondo-g oo ka furmay magaalada Rabat ee dalka Marocco.

 Muniira  Cabdiwahaab    oo ka mid ah ciyaartoyda Xulka qaranka Taekwodndo-ga Soomaaliya ayaa  guul ka gaartay kulankeedi koowaad ee ay tartanka ka ciyaarto

Muniira ayaa 51-  32 dhibca ahaan kaga adkaatay Adele oo dalka  Madagascar ka soctay  taaspo ay ku tartameen miisaanka 53kg.

“ Guushaan waa    bilow wanagsan oo dheeri gelin u ah ciyaartoyda  Taekwondoga qaranka Soomaaliyeed iyo dhammaan  ee xulalka kale ee tartanka     ka qayb galay oo dhawaan ciyaarahooda bilaaban doona,” waxaa sidaas  Nonsom.com u sheegay  Madaxa Wafdiga  ee tartanka   Marwo Khadiijo Aadan Daahir.

  Guddiga  Olombikada Qaranka  Soomaaliyeed ayaa cayaarahan  u diyaariyay Afar Xul oo kala ah Cayaaraha Fudud, Taekwondo-ga, Feerka iyo Shatrinjiga.

 Ciyaaaraha All African Games waxaa marki u horaysay la qabtay  1965 waxayna Soomaaliya ka qayb gashay ciyaarihii labaad ee all African games ee 1973 lagu qabtay  dalka Nigeria, waxayna Somaaliyia sanadkaas kusoo guuleysatay Biladdaha  dahabka ee Boodadada waxaana Bilaadas   oo taariikhi ahayd  Soomaaliya usoo  hoyay Alle ha u naxariistee Cabdulle Nuur Waasuge.

 Tartan waxaa ka qayb galaya 54  ee qaaradda  Afrika oo ku loolamaya 301 qayb  oo kamid ah 26 dhacdo oo Isboorti ah.

 Waaxda warfaafinta GOS

 Info@nocsom.com