Xisbiyo fadhigoodu yahay Muqdisho oo war culus ka soo saaray xiisadda ka dhalatay doorashada Kismaayo

In ka badan 20-xisbi siyaasadeed ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoona ka wadahadlay guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka magaalada Kismaayo.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Sinnaanta midnimada nabadda Soomaaliya waxaa khudbad gaaban halkaasi ku jaadiyay Guddoomiye Ku xigeenka iyo Ku simaha Guddoomiyaha xisbigaasi Caaqil Jaaha Ibraahim Xasan oo sheegay in ujeedada kulankoodu ugu muhiimsaneyd arrimaha doorashooyinka Kismaayo iyo sidii looga hortegi lahaa khilaafyo siyaasadeed oo horseeda dagaallo iyo burbur hor leh.
Guddoomiye Ku xigeen Caaqil Jaaha ayaa ka dalbaday Xiriiriyaha xisbiyada siyaasadda ahna Guddoomiyaha Xisbiga Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux Tima Jilic inuu warbaahinta u akhriyo warsaxaafadeedka ay ka soo saareen kulankooda, isagoona ugu horeyntii si gaar ah ugu mahad celiyay Dowladda Turkiga oo uu sheegay in waxqabadkooda iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ay uga hayaan abaal aad u weyn, wuxuuna qoraalka xisbiyada u qornaa sidaan:-

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA