Wasiirka Maaliyada oo soo bandhigay habsami u socodka maaliyada dalka

Maanta waxaa sharaf ii aheyd in aan ummadda Soomaaliyeed la wadaago habsami usocdka Maaliyadeed ee Dalka.

Waxaan ka hadlay arimaha kala ah 1 Deymaha nalagu leeyahay iyo halka ay in oo mareyso hanaanka deyn cafinta, 2 dib-u daabicidda Shilinka Soomaaliga iyo howshiisii, 3 Natiijadii shirkii Washington oo guulo ku soo dhamaaday iyo 4 Hantida Qaranka oo Wasaaradda Maaliyaddu ay tiro koob ku sameysay.

Dowladdaan waxaa ka go,an in ay hormariso dib u habeynta dhaqaalaha Dalka, taasoo muhiim u ah Dadkeena iyo Dalkeena.

Wasaaraddu waxay u mahadcelinaysaa shacabka soomaaliyeed ee sida joogtada ah u la shaqeeya, canshuur bixiye iyo taageere intaba.

“Far kaliya Fool ma dhaqdo” waxaa waajib nagu ah in aan si wada jir ah dhamaanteen u wada shaqeyno horumarka dalka.