Sawirro:-Axmed Madoobe Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanada Cusub Ee Jubbaland

Axmed Madoobe ayaa Xildhibaanada iyo Guddoonka Baarlamaanka kala hadlay sidii ay  u dhici laheyn Doorashada Madaxweynaha Jubbaland,isla markaana waxaa uu kula dardaarmay inay si hufan Xildhibaanada u gutaan Waajibaadkooda shaqo.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa Markii Saddexaad doonaya inuu noqdo Madaxweynaha Jubbaland,waxaana Doorashada lagu wadaa inay dhacdo 22-ka Bishan oo ku beegan maalinta Berri ah.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa siweyn loo adkeeyay,waxaan Magaalada laga xiray Cirka,dhulka iyo Badda,iyadoona heegan la geliyay Ciidamada maamulka Jubbaland.