Ciidanka Daban iyo Mareykan oo xalay weeraray Kunya Barrow

Xalay illaa saaka hiirtii waaberi waxaa hirgalay Ku dhawaad 2 weerar oo lagu bartilmaamedsanayay cadowga argagaxisada ah, waxaa abaabulka Iyo daahfurka falkan iskalahaa Ciidanka Danab Iyo xoogagga Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya kuwaas oo kaalmo siinayay xoogga dalka, labada weerar ayaa ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka KUNYA-BARROW.

Weerarka koowaad ayaa ahaa mid aan khasaare ba’an geysan haseyeeshee weerarkii danbe ayaa la xaqiijiyay In lagu burburiyay agab ciidan oo ay lahaayeen argagaxisadu iyadoo weerarkaas ay ku nafwaayeen tiro dhowr iyo toban kor u dhaafaysa oo dhammaantood ahaa cadowga Qaranka Soomaaliyeed “Alshabaab”