Qaran-nimadu Saan miyaa?

Haddii Diiq Maro qoyan lagu duubo kiik kiik dambe lagama maqlo ” Tuugada Doorada xaddo ayaa xirfadda isticmaasho” (F.S: 1aad)

Somaliya waa Shanqar beeshay, walaalkeey ila dil ayeey Talo Ku Soo dhamaatay. Itobiya & Kenya, Qatar & Imaaraat, Mareykan & Midoowga Yurub, IGAD & AU, Eriteriya & Jabuuti, Shiino & Norway, Amisom iyo Ibliis.


Horta Yaa na xakumo? Somaalidii Koox waliba kabiir ayeey yeelatay, intooda badan Mucaarad & Muxaafadaba Duul kale ayaa dabada lala galay, War, ALLA Ka cabsada Adinkuna ha is duleeynina, waa la gafaa ee Ka tooba keena khaladkii dhacay. Adiguna
Madaxda khaladkooda u sheeg laakin ha caayin, caaydu xal ma noqoto.

War Madaxeey Adinkuna, Mustaqbalka dhalinyarada yaan lagu khamaarin. 1963 Dowlado Veto leh ayaan wadanka Ka erinay, 1977 kuwa veto leh ayaan erinay, sax & khaladba go’aankeena waan u madax banaaneeyn.

Hadda, waxaad maqlee Madaxdeena oo leh, waxaan la shirnay Beesha Caalamka, Labada dhinac waxa ey isku Afgarteen!!!!!, warkaasu Waa been. Beesha Caalamku Amar ayey bixisaa ee lalama shiro. ( F S: 2aad)

War Somaaliyeey, Saan aan isku dhaano, war ayaan Dhalin yarada lagu rabaayeeynin dulinimo iyo Doqonnimo. Waa iga Talo, tilaabta ficilka ahna kaaga Hari maayo, go’aan aan qaadano ( Hal Maalin oo aad Libaax noqoto ayaa dhaanto, Boqol Sanno oo aad Ido ahaato)

Saacadaan, Qumu leylka ah, waxa i Soo jeediyay, Xanuun ma ahan,Wallaahi, weligeeyna Jaad ma cumin, ee waxa i Soo jeediyay waa Qarannimadu Saan miyaa?

Qore: Yahya Amir