Golihii Deegaanka Degmada Warshiikh oo la Dhaariyay!

Xaflad aad u qurux badan oo loogu talagalay dhaarinta 21-ki xubnood ee loo doortay in ay ka mid noqdaan Golaha Deegaanka Degmada Warshiikh ayaa maanta lagu qabtay xarunta Maamulka degmadasi.

Munaasabaddii dhaarinta xubnahaasi waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Md Maxamed Cali Caadle, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada arrimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka, Wasiiro ka socday Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, Axmed MeyreMakaraan iyo maqaawiir kale oo aad u Culus.

21-ka Xubnood ee la dhaariyay ayaa maalmaha soo socda waxaa ay iska dhax dooran doonaan Gudoomiyaha Degmada Warshiikh Ahna Duqa Magaalada Warshiikh iyo labadiisa ku xigeen.

Waa markii ugu horeysay oo ay Degmada Warshiikh yeelanayso Gole Deegaan oo loo soo doortay si Xor, Xaq iyo Xallaal ah.

Shiikhaalow