Adeega EVC PLUS ee shirkada Hormuud oo istaagay iyo xanibaad ku timid dhaq dhaqaaqa Ganagsiga.

Adeega EVC Plus waa hab ku shaqeeya in Telefoonka gacanta (Cell Phone) qaab hawo ah lagacaha la isugu weydaarsado oo ay leedahay Shirkada isgaarsiinta Hormuud.

Adeega lacagaha la isugu diro ee Shirikada Telefoonada Hormuud loona yaqaano EVC ayay cilad ku timid saakay.

Ciladaan ayaa saamaysay kumanaan qof oo noloshoodu ay ki tiirsan tahay lacaga telefoonada lagu diro. Waxaana jiq isku ah howlo badan oo nolosha dadka la xiriira.

Shirikada Hormuud ayaa ah tan ugu weyn xaga isticmaalka telefoonada adeega EVC-ga waxuu mudo ahaa mid fududeeyey lacagaha la isu diro.

Adeegan wax damaanad ah ma laha mana jirto lacag la mid ah cadadka lacagta shacabka laga hayo oo taala Bangiga dhexe taas oo dhibaatadeeda leh.

Dhanka kale Shacabka ayaa maanta ku BARAARUGAY in ay isticmaalayeen lacag hawo ah oo lacagahooda cadaanka ah (Cash) iyagoo aan wax damaanad Bangi Qaran ah heysan dad kale gacanta u geliyeen.