Wasiir Islow oo xilka ka qaaday agaasimihii guud ee Wasaaradda amniga (Akhriso)

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shaqo joojin ku sameeyay agaasimihii guud ee Wasaaradaasi Yuusuf Cali Maxamed kaddib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa oo Wasiirka ku saxiixnaa.

Warqadda shaqo joojinta ah agaasimaha guud ee wasaaradda amniga gudaha DFS ayaa lagu caddeeyay in loo baahan yahay dardar gelinta howlaha Wasaaradda, iyadoo aanay jirin arrimaha uu agaasimuhu ku muteystay xil ka qaadista.

Isla wareegtada ka soo baxday Wasiir Islow ayaa si KMG ah loogu magacaabay xilka agaasimaha guud ee Wasaaradda amniga gudaha nin lagu magacaabo Axmed Cabdi (Koshin), wuxuuna Wasiirku ka dalbaday hay’adha dowladda inay la shaqeeyaan mas’uulkaan cusub.

Wareegtada ka soo baxday Wasiirka amniga gudaha ayaa ku soo beegmeysa xilli qudhiisa horay looga dalbaday inuu xilka iska casilo bacdamaa uu ku guul darreystay wax ka qabashada amniga, iyadoo xeel dheerayaasha arrimaha nabadgelyada ay sheegeen inuusan jirin qorshe amni oo Dowladda uga degsan guud ahaan dalka Soomaaliya.