Diintii, Dagaalkii iyo Dardaarankii iyo Taariikhdii Sheekh Axmad Gabyow/Wacdiyow!!!

Sheikh Axmed Sheikh Abiikar Xassan, (1844-1933). Gabyow/ Wacdiyow. Hooyadiina waa Caasha Sh. Cusman. wuxuu  ku dhashay Tuulada Xaruur iyo Xaaji Cali ee Sh/Dhexe. Waxa uu u yaraa 5ta Caruurtaa ee Reerkiisa. 7 jir ayuu qur’aanka ku baraty. kadibna Cilmiga Diiniga ah ayuu u aaday Warshiikh iyo Mogadishu. Suugaanka Masafada, waxaa uu bilaabay isaga oo 7 jir ah. Sheikh Axmed waxa uu dhalay 10 Caruur ah, 5 wiil iyo 5 Gabdhood.

waxa uu lahaa 2 Saaxib dhinaca Diinta oo kala ahaa Sh. Maxamed Cusman iyo Sh. Yusuf Macallim, oo marka ey Dadka wacdiyaan uu wacdigooda u bedeli jiray Suugaan ey Daku fahmaan. Sh. Yusuf waxa uu ka mid ahaa 80 qof oo Talyaanigu ku dilay Dagaalkii Cadale isaga oo Magaalad ka difaacayo Isticmaarka. Culumadu Diinta iyo Difaaceeda waa ka wada qeyb qaateen ( F.S: 1aad)

Sh. Axmed waxa uu asaasay Xarummo badan ( Jameecooyin) Diinta lagu barto. Noloshiisa yaraantii waxa uu ku qaatay deegaanka Gal-madoow, kadibna Hamboohile kadibna Magaalada Cadale.

Halgankii:

kadib markii Reer yurub ey qeybsadeen Afrika 1884, ayey sahan u soo direen, Isticmaarkii ugu horeyay ee Afrika qeybsigii ka dib la Dilo, waxa uu ka dhacay warshiikh “24/April 1890” waxaana lagu dilay: Taneeti Zavaglio iyo Sawirqaadihiisii Bertorello iyo 6 ka mid ahaa ciidankii Talyaaniga ee ka soo degay Markab sahaminayay xeebta Warshiikh. Sida ka muuqata Sawirada Markabkii iyo Dagaalkii ( Fiiri sawirka qeybta hoose oo ey ku qoran tahay Warshik ,faahfaahinta Sawirka & Cadeymaha waxaad ka heli kartaa keydka wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga. ( F.S: 2 & 3aad)

Dhacdadaa oo Talyaanigu aad uga carooday, kuna goodiyay in uu ciqaabi doono Reer Warshiikh, taa oo dhacday Sannadkii 1891 markaa oo Talyaanigu uu Xamar ka soo diray ciidamii Vincenza Filonrd kuwaa oo baabiyay Magaaladii Warshiikh iyo Cadale oo si naxariis daro ahna madaafiic loogu garaacay.

Isla Sanadkaa waxaa dhacay Dagaalkii Cadale ee Bishii “June 1891” waxaa Cadale lagu dilay 50 Asgari oo kuli ahaa Ajnabi, 45 Asgari waxaa lagu dilay isla goobtii dagaalka, dhaawacii lala baxsadayna waxaa la dhameystiray, Callankii Talyaanigana dhulka ayaa la soo dhigay, Ciidamadaa Isticmaarka laga Dilay oo Talyaani iyo Ajaanib kale isagu jiray, waxa ka mid ahaa Hogaamiye Caqiid Saalim . sida uu qoray Turjubaankii Talyaaniga Abuubakar Bin Aohod. Waxa uu ahaa Dagaalkii Cadale mid aan loo kala harin Dhalin yaro iyo waayeel . ( F.S: 4,5,6 & 7aad)

Shiikhu waxa uu horkacay Dagaalkii lagula dagaalamayay Talyaaniga Degmada Cadale Sannadkii 1892. Waxa uuna tiriyay Masafadiisii Caanka aheeyd ee:

((( Soomaaliyaan u dagaalamaynaa*Dalkeena balaaran u daafacaynaa,Kufriga soo dagay diida leenahay*Kuwa dulmaayaan la dood galaynaa,Dantiina duul kale dhowrimaayee*Hadaalinoo u dulqaata leenahay dabeysha mowdku intuu I daadihin*Hilibka duud cunin oonan deeb noqon,
Dadka tus aan danahiisa leeyahay*Duruyadaada dab looma aasee,
Kuwa dambaan u dariiq falaynaa)))

Kadibna waxa uu tiriyay Masafdii dheereed ee ( Rafaad) ee caanka aheeyd oo uu Dadka ugu sheegayay waxa uu yahay Isticmaarku taa oo aheyd :

((( Rajulka kaafur ah ee rugtaan yimid*Sidii rasuul rabi nooma soo dirin.
Mana rabnoo naga reed bax waa niri*Hadaad ruux la dagaasho kaa roon
Reerkaad u kaashan laheydne raagaan*Ragoow hadoo qalbi waa la rafaadaa…………….)))

Gabyadii Badnaa ee Gumeysi la dirirka ee Sh. Axmed waxa ey gaareen koofurta Somalia oo dhan, waxa eyna saameyn ku yeesheen halgan badan oo ka dhacay Dalka , Bacdamaa ey somalidu aheyd Dad Suugaanta wax isku gaarsiiyo “Oral society”.

FG: waa iga xasuusin, Taariikhdii Halgamayaashii & Culumadii Somalida yaan la Dhumin . wixii aan ka khalday ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir