Hay’adda gargaarka caalamiga ah ee Islamic Relief Worldwide oo in ka badan 22,000-kun neef ka qeybisay Gobolka Banaadir, Puntland, Somaliland, Sh/dhexe iyo Sh/hoose

Islamic Relief oo ah hay’add ka hawlgasha in kabadan afartan (40) wadan oo aduunka ah oo ay Soomaaliya kamid tahay, ayaa hawlo kala duwan oo dhinaca bani’adinnimada ah fulisa sida; Horumarinta beeraha, Cafimaadka, Waxbarashada, Xanaanada agoonta, Gargaarka deg degga ah, Horumarinta Biyahaya, Fayi dhowrka iyo kuwa kaloo badan.

Islamic Relief ayaa Soomaaliya ka hawl biloowday sanadii 2006-dii iyadoo sanad kasta xilliyada Soonka iyo Xajka qabata laba mashruuc oo kala ah; mid xoolo qeybin ah iyo mid raashin ah, kuwaasi oo loogu tala galay dadka danta yar ee ku nool xeryaha barakacaasha Soomaaliya.

Sanadkaani 2019, waxaa ay hay’addu qeybisay xoolo kor udhaafaya 22, 000 kun neef oo ari ah kawaasi oo loogu talagalay dadka danyarta ah ee ku dhaqan Soomaaliya.

Qamar Sheikh Maxamed oo kamid dadka ku nool ceryaha barakacashaaya Muqdisho ayaa siweyn uga mahad celiysay Udxiyada ay hay’addu gaarsiiyay waxaa ayna tiri “, Waxaan aad ugu mahadcelinayaa hay’adda Islamic Relief oo noo qeybisay deeq Udxiya ah, waxaan kamid ahay dadka ku dhibateysan xeryahay barakacayaasha Muqdisho mana awoodi in caruurteydu helaan hilib. Farxad weyn ayay maanta noo tahay hilibkaan deeqda ah”.

“ Waxaan ka codsanayaa hay’adda caalamiga ah ee Islamic Relief Xafiiskeeda Soomaaliya inay kordhiyaan u gar gaarida dadka tabaleysan ee dalka ku nool”, ayay tiri Qamar Sheikh Maxamed

Hay’adda Caalamiga ah ee Islamic Relief, waxaa marwalba ka go’an sidii loogu gargaari lahaa dadka dhibateysan ee dunida kunool, iyadoo Soomaaliyana ay kamid tahay wadamada ay hay’addu inta badan xooga saarto sidii loo caawin lahaa dadka la dalaa-dhacaya duruufaha kala duwan ee dhinaca nolasha ah.

Dhamaad