Arsenal Oo Garoonkeeda ku Qaarjisay Kooxda Burnley iyo , Cabellos oo Wacdarro Dhigay.

Arsenal ayaa guusheedii labaad ee isku xigta ee Premier League gaartay ka dib markii ay guul 2-1 ka gaareen kooxda Burnley iyadoo saxiixooda cusub Ceballos uu ku lug lahaa labada gool ee ay kala dhaliyeen Aubameyang iyo Lacazette. Arsenal ayaa badisay labada kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedka Premier League markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2009-10.

Daqiiqadii 13aad: Koornadii ka dhalatay badbaadintaas ayay Arsenal hogaanka ku qabatay. Koornada waxaa soo qaaday Ceballos iyadoo kubada uu lugta la helay Lacazette oo ay raacanayeen seddex daafac, laakiin iyadoo daafac uu ku dhegan yahay ayuu kubada koontaroolay islamarkaana ka hoos bixiyay lugaha goolhaye Pope.

Weeraryahanka reer France ayaa durbaba bilowday goolashiisa xilli ciyaareedka iyadoo Lacazette uu xilli ciyaareedkii hore tartamada oo dhan u dhaliyay Arsenal 19 gool oo 13 gool oo ka mid ah ay ahaayeen Premier League.

Daqiiqadii 43aad: Burnley ayaa goolka barbaraha oo ay u qalmeen heshay. McNeil ayaa kubad dheer oo la soo qaaday waxa uu ku bilaabay weerarka kooxda isagoo u dhigay Ashley Barnes oo xerada ganaaxa ku jiray, hal taabasho ka dibna waxa uu kubada dhex dhigay shabaqa.

Qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay barbaro 1-1 ah iyadoo Arsenal ay qeybtii labaad soo geliyeen saxiixooda ugu qaalisan Nicolas Pepe kaasoo bedelay Nelson.

Markii ay Qeybtii labaad bilaabatay Arsenal ayaa culeys weerar saartay kooxda Burnley iyadoo saxiixa cusub Ceballos uu ku dhawaaday inuu shabaqa soo taabto laakiin waxaa badbaadin cajiib ah sameeyay goolhaye Pope kaasoo ciyaarta ku sii hayay kooxda Burnley.

Daqiiqadii 64aad: Ceballos oo wacdarro dhigay kulankaan ayaa caawiye ka noqday goolkii ay Arsenal hogaanka ku qabatay markii kubad u dhigay Aubameyang kaasoo daafacyada ka leexsaday ka hor inta uusan geeska hoose ee shabaqa kubada dhex dhigin. Waa goolkii labaad ee isbuucii labaad ee isku xiga uu dhaliyay weeraryahanka reer Gabon.

Arsenal ayaa ku dhawaatay inay hesho goolka seddexaad dhamaadkii ciyaarta, Pepe ayaa labo jeer maray Pierers laakiin howshii uu soo qabtay oo ku danbeysay in Torreira darbadiisa uu badbaadiyay goolhaye Pope.

Ugu dambayntii Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Arsenal, waxaana Arsenal ay haatan lix dhibcood ku heysaa hogaanka horyaalka inkastoo kulamada kale la ciyaari doona maanta, berri iyo Isniinta.