Ciidanka Xoogga Dalka oo Dagaal Xiro xiro ah kawado deegaannada Tooratoorow, Mubaarak iyo kuwa kale

Gudoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Ibraahin Aadan Najar oo lahadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka xiligaan howlgalo kawadaan deegaanada Tooratoorow, Mubaarak iyo kuwa kale oo Argagaxisada Al Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

Gudoomiye Najax ayaa sheegay in Ciidanku gacanta ku dhigeen Saldhigyo iyo Xarumo Al Shabaabku lahaayeen kadib markii ay isaga carareen waxuuna sheegay in Dadka dagan gobalka Shabeellaha Hoose ee Shacabka ah inay ka qeyb qaadaanayaan howlgalka, iyaga oo garab siinaya Ciidanka halkaas ku sugan.

“Ciidanka Howlgal balaaran ayay ka wadaan Tooratoorow, Mubaarak iyo kuwa kale. sidoo kale waxay howlgalku ay kawadaan deegaanka shaam gare waxaana deegaanadaasi lagu bur-buriyay saldhigyo argagixisada ay halkaasi ku lahaayeen, waana howlgal ka duwan kuwii hore waana howlgal loo dhanyahay oo ay qeyb ka yihiin shacabka iyo Maamulka Gobolka”ayuu yiri Guddoomiye Najax.

Dhanka kale Gudoomiyaha degmada Awdheegle Maxamed Aweys Abuukar oo lahadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in 70 kamid ah Maydadka Al Shabaab daafaha magaalada Awdheegle lagu arkay kuwa kale ay qaateen waxuuna sheegay weerakii shalay uu khasaare xooggan ka soo gaaray Alshabaab loona dhigay taariikh aysan ilaaweynin argagixisada.