Carabtaba batroolkeeda waa lala Cunaa, ee Somaliyey Baddaada illasho=Nasashada Jimcaha.Q-161aad=

1-Odayaal Dhaqan oo ku shiraya Geed u dhaw Biibitada Xaliimo, ayaa waxaa u soo gashay Naag indhool ah oo Ookiyaalo maddoow wadato. Iyaga oo shakisan ayaa wiilal caseeya ahaa oo meesha jogay, waxa ey u kala carareen Nin soo socday si ey kabaha ugu caseeyaan.

Odayaashii, kabteey ma aragtay koofideey ma argtay, Labo ka mid ah Odayaashii oo jajaban isbitaal Shifo ayeey jiifaan. ( F.S: 1 & 2aad)

(War Dadka Naafada ah iyo Dan yarta, yaan la sumcad tirin).

2- Nin Cabtooy ah ayaa Masjid uu ag marayay ku soo leexday,isaga oo ku duceysanayo Alloow i soo hanuuni, Salaad ayuu xirtay. Jamaaco ayaa ku xiratay. Salaadii kadib ayeey ku yiaahdeen war Nin yohoow aad ayaad u Cod wanaagsan tahay. Xagee lagaa heelaa. Waxa uu ku yiri: waxaa ka fiicnaa leheyd haddan arki leheedeen anniga oo la heesayo Fartuun Sokondo, waxaana la iga helaa youtube-ka Qolka dhafarka dhalin yarada.( F.S: 3aad)

( Horjooge kasta mas’uul ma ahan, iska hubi)

3-Oday Xanaaqlow ah oo dhiig kar qabo ayaa Cashadii laga soo daahiyay, Markii loo keenay ayuu Gacmihii horay kala galay, Gabdhiisi oo ag fadhisay ayaa ku tiri: Aabe Bisinka qabso, yuuna Sheydaanku kula cunine.

Odaygii ayaa yiri: oo Sheydaanka ilaa hadda maxaa Casho la’aaan dhigay. ( F.S: 4 & 5aad)

( Carabtaba batroolkeeda waa lala Cunaa, ee Somaliyey Baddaada illasho)

4- Gabar ayaa wiil ey haasaawaysanayeen ku tiri: Nin kasta oo heer Sare gaaray Haweneey ayaa Ka dambeysa.

Wiilkii ayaa ku yiri: Ka warama hadey Afar ka dambeeyaan soow ma noqonaayo Ninka ugu wanaagsan Aduunka.

Gabadhii ayaa ku tiri: Sheey walba oo Bato ama kordha Qiimahiisa ayaa hoos u dhacaa, marka laga reebo Dabeecadda Wanaaagsan, Cilmiga iyo Cibaadada.

Wiilkii ayaa ku yiri: Caqliga miyaan La’ahay marka aan hal Gabar bis ku ekaanayo, Ka warran haddii ay iga tagto, ama la iga Guursado ama iga dhimato.Yaa i wehlinayo inta aan mid kale ka helayo, keyd la’aan aa. Waxa uu Ku yiri wiilkii : murankaa naga dhaaf Caawa waan kululahay. Waxa ey tiri: Naartaa ka kulul. ( F.S: 6aad)

( Gabdhoow, Laab jileec lama rabee, iska tiiri Haasaawaha)

5-Koox kasta marka ay banaan baxayaan si ey farxadooda ama Cabashadooda u muujinayaan. Waxa ey kor u tuuraan wixii ey ku shaqey jireen, ama ey markaa Gacanta ku hayaan. Ardayda Qalin jabinee Koofiyadda ayey tuuraan, Macalinkuna Jeestada,DhaKhtarkuna daawada, Booliskuna waxey ridaan xabbado.

Ganacsatada iyo Dadka Bankiyada ka shaqeeyo. Goormee ayey banaan baxayaan oo ay tuurayaan waxay hayaan. ( F.S: 7aad)

(Siyaasiga Somaligu Goormuu tuurayaa waxa uu haysto?).

6- Wiil yar ayaa arkay, Hooyadii oo “Single Mother” aheed oo ku hoos jirta kaligeed Kubeertada Hoosteeda oo leh: Alloow Nin ii sahal. Maalintii kale ayuu Isgoolkii ka yimid waxa uuna arkay Hooyadii oo Nin la jiifto, Kubeertadiina huwan.

Galabtii ayuu isna hoos galay Kubeertadii. Markaa ayuu yiri: Alloow anna ii sahal, Telephone I phone apples ah. ( F.S: 8aad)

(Kubeerto Hoosteed Telephone looguma duceysto, doorasha dadbanna Darajo looguma duceeysto)

Qore: Yahya Amir