Colaad Ceel-Afweyn dib uga bilaabantay oo dad dumar u badan ku dhinteen

Shan qof ayaa hada la ogyahay oo sadex ka mid ah ay dumar yihiin ayaa ka dhashay weerar hubaysan oo ka dhacay magaalada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Kooxda weerarka geystey ayaa la sheegayaa in ay tahay mid ka mid ah laba beelood oo dagaal soo jiitamey degaankaasi ku dhexmaray, iyadoo dadka dhintayna ay hal beel ka soo wada jeedaan.

“Dadka dhintay waa 5 ruux 4na waa dhaawac, xaalada degaankana hada ciidanka ayaa gacanta ku haya, kuwii falka geysteyna waa lagu daba jiraa” sidaa waxaa yidhi Maayarka Ceel-afweyn Cabdikariin Aw Yuusuf Axmed.

Xaalada degaanada labada beelood wada degaan ayaa laga cabsi qabaa in markale dagaal baahsan uu ka bilaabmo, iyadoo ay weli socdaan dadaalo dhawr jeer burburay in dabaqabasho lagu sameeyo.