Shan {5} Nin oo isku Haysta Hal Kursi oo ka Bannaan Guddoonka G/Banaadir!

Jiif ma jiryo, tartan adag ayaa lagu jiraa, musharax walba inuu adkaado ayuu jecel yahay, Arjiyo badan oo codsi ah ayaa la gaystay Villa Somalia, hal kursi oo ka Bannaan Maamulka G/Banaadir ayaa la isku haystaa!

In ka badan Shan nin oo Wallaalo ah ayaa ku dagaalamayo jagadii uu ka Geeriyooday Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir, nin kasta oo ka mid ah xil-doonayaashaas waxa uu aaminsan yahay inuu isaga xaq u leeyahay Booskaas bannaan, wey ahaan weyday musharaxiintaasi inay isu tanasulaan, Dhawaa iyo dheeraaba nin ayaa Kursigaasi ku fariisan doono.

Ragga ugu cad-cad ee jecel in laga dhigo Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah Avv. Cumar Dhageey, Cumar Qaanso, Cali Gacal, Yuusuf Jaalle, Axmed Washington iyo Akhyaar kale oo aan rajo badan laheyn.

Wasiirada, Xildhibaannada iyo madax dhaqameedka loo tiriyo Kursiga Guddoomiyaha G/Banaadir ayaa u muuqda inay ku kala qeybsan yihiin shaqsigii badali lahaa Eng. Yariisow, Warrarka laga helayo xarumaha madaxdaasi ayaa sheegaya Masuul walba inuu wato Musharax u gaar ah!

Lama oga musharaxa ku soo bixi doono xilkaasi, Madaxweynaha Federaalka ayaa laga sugayaa raggaasi is-haya inuu ka xusho hal shaqsi ama uu qof kale u igmado hogaaminta Maamulka Muqdisho.

Xaqiiqdii kalama liitaan Musharaxiinta u taagan Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir, idilkood waa aqoonyahanno u qalma in loo dhiibo jagadaasi, Ninkii uu Nasiibkiisa u ogolaado ayaa noqon doono Guddoomiyaha soo socda ee G/Banaadir, ubax & caleemo qoyan ayaa la filayaa in lagu soo dhaweeyo masuulkii hela xilkaasi.

Shaqo adag ayaa sugaysa xariifkii noqda Guddoomiyaha iyo Duqa cusub ee Muqdisho, Galaas ay ku jiraan caano qabow ugama soo horeeyo xarunta looga arimiyo Maamulka G/Banaadir ee Aqalka D/Hoose.

Amniga oo wax laga qabto, Musuqa oo la Ciribtiro, nadaafadda oo kor loo sii qaado, horumarinta Degmooyinka oo laga shaqeeyo, daryeelka shaqaalaha oo la illaaliyo iyo arimo kale oo culus ayaa laga rabaa Guddoomiyaha imaan doono inuu si wanaagsan u maareeyo.

* Guddoomiyaha_Imaanayoow
* Soo_Dhawoow!

Shiikhaalow