Bukaan Qaba Cudurka Ebola oo laga dhax helay Isbitaal Ku Yaalla Magaalada Rotterdam ee Dalka Holland

Shaqaalaha Hay’adda Adeegga Gurmadka ee dalkaasi ayaa sheegtay in la go’doomiyey ama la Karantiilay Isbitaal ku yaalla magaalladda dekedda leh ee Rotterdam kadib, markii la soo weriyey qeylo-dhaan ku aadan Bukaan la xanuusan Cuddurka Ebola la dhigay Isbitaalka.

Qoraal ay Hay’addu Waaberigii hore ee saaakayto oo Khamiis ah soo dhigeen Bratooda Twitter-ka ayey ku sheegeen in Bukaan xalay soo galay Isbitaalka lagu magacaabo The Masstad Hospital looga shakiyey inuu qabo Cuddurka Ebolo, balse, la xaqiijiyey inuusan Ebola ahayn.

Hay’adda waxay sheegtay inuu warkaasi ahaa mid been abuur ahaa, iyadoo sawiro laga so oqaaday Ibsitaalka ka muuqdeen in Albaabka laga soo galo Isbitaalka lagu xiray xarig leh calaamadaha casaanka iyo caddaanka, isla markaana dadka laga mamnuucay inuu Isbitaalka soo galaan.

Cuddurka Ebola oo ah Cuddur loo geeriyoodo waxa uu ka dillaacay dalka Kongada dimuqraadiga, iyadoo ay in ka badan 1,800 oo qof ku geeriyootay.