Ciidamada Kumaandoska Soomaaliya oo Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan ka wada Deegaano ka tirsan G/Sh/Hoose

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka dhan Al-shabab waxa ay ka wadaan tuulooyin hoos yimaada degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose .

Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa saaka gudaha u galay deegaanka malable ee hoostaga degmada Aw-dheegle ee gobolkaasi Shabeelada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa xaqiijiyay in ay wadaan howlgallo aan kala joogsi laheyn oo ay Al-shabaab uga xureynayaan deegaannada farakutirska ah ee ay kaga suganyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Shalay ayay ahayd markii ciidanka Danab ay Alshabaab ka qabsadeen degmaad Aw-dheegle ee gobolka Shabeelada Hoose,halkaasi oo in muddo ah ay ku sugnayeen.

Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlgalada ka dhan ah Al-shaabab ee ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.