Ethiopian Airline, Xaq ma u leedahay…?

Maanta FB waxaan Ku arkay walaalo Somaaliyeed oo aad u amaanayo Ethiopian Airline, dhaliilayana kuwa Somalida.

Dad badan ayaa amaanya duulimaadyada Cusub ee Ethiopian Airline. Runtii waa Dayaarad Ku wanaagsan Duulimaadyada Caalamiga ah, waana Dayaaradda Afrika ugu dhaqdhaqaaqa badan, intii aan Ku safrayna wax dhibaato ah kalama kulmin ALLA mahadii.

Laakin.

Ma xumo tartanka loo galo Ganacsigu, Badanaa Tayada ayuu wanaajiyaa, Sicirkana hoos ayuu u dhigaa. Laakin Dowladuhu ma ogolaadaan tartan iska furan, haddii uu wax u dhimayo dhaqaalaha & Shaqa Abuurka gudaha.waxaa la sameeyaa wax is dhaafsi si siman ey uga faa’iidayaan Labada dhinac.

Ethiopian Air line Maalintii Labo duulimaad ayey Mogadishu Ka sameysaa, Gobaladda Dalka qaarna waa Ka howl bilaawday.( F.S: 1 & 2aad), Shaqaale gudaha ah oo Airporka Xamar uga shaqeeyana ma qortaan, ee hore ayey u Soo wataan.

Xujaayda Somalida oo Sannadkaan aheyd 11,000 ayaa 7000 oo Ka mid ah waxaa la siiyay Ethiopian Airline,
Iyada oo qofkiiba laga qaadayo 3,600 USD Kana qaalisan Waddamada deriska ( ma dadka ayaan Ka Dambi badan nahay?). Haddana lagama fekerin daryeelka Xujaayda u badan dad Waayeel ah. ( F.S: 3, 4, & 5aad) Kuwa kalena waxaa ey waayeen fursadii ey Ku Soo xajin lahaayeen,oo ey aheyd in laga sii fekero.

Waxaa khadka Ka baxaya Dayaaradihii Somalida ee 30 Sanno oo ah waqtiga adag Ka Soo shaqeeyay Dalka. Waxaa khadka Ka baxaya 4 shirkadood oo Somali ah, kuwa kalena waa sigan yihiin.

Sida uu Ku dhisanyahay Badanaa wax is dhaafsiga dhaqaale ee Caalamku, ma loo ogolyahay in shirkaha Dayaaradaha Somalidu ey Ka shaqeeyaan Ethiopia gudaheeda si ey ula tartamaan kuwa Ethiopia. waa Maya.

Ethiopian Airline Bishii March 2019, waxaa ey Ka gashay kaalinta No.64, Dhinaca badbaadada iyo Samataga Dayaaradda Caalamka, ma xumo.

Shilalka fudud iyo kuwa culus oo ey gashay Ethiopian Airline laga Soo bilaabo 1965 waa 459 shil mid fudud & mid Culus, kii ugu cuslaa waxa uu dhacay 10 March 2019 Boeing 737-MAX8 waxaana Ku geeriyooday dhamaan 157 dii Rakaabkii. Dayaaradda oo shaqeeyneysay 4 bilood oo kaliya.

Shilkii ugu caansanaa Ethiopian Airline waxa uu dhacay 23 Nov.1996 markii la Afduubay Dayaaradii Boeing 767-200E, kuna burburtay Badweynta Hindiya xeebaha Dalka Comoros markii shidaalkii Ka go’ay iyada oo Afdooban, waxaana Ku geeriyooday 125 Qof oo Ka mid ahaa 175tii Rakaabka & Shaqaalihii.

Shilkii Seddaxaad waxa uu ahaa January 2010, Boeing 737-800, oo Ka Soo duushay Beirut kuna dhacday Badda Mediterraneanka dhamaan Rakaabkiina waa ku geeriyoodeen. Waxaa kale oo Jira Boeing 737-200 ee Bahir Dar Airport September 1988 oo ey Ku geeriyoodeen 35 Ka mid ah 104kii Rakaabka ahaa. ( F.S: 6, 7, 8aad)

Shil waa Qadar ALLA , laakin Dowlad waliba waxa ey Ku dadaashaa in Ganacsatadeeda ey Ka ilaaliso tartanka wax u dhimayo, shirkadaha gudahana lagu kaalmeeyo sidii ey Tayadooda u hagaajin lahaayeen, waalidiinta da’da ahna loo fududeeyo Xajka.

Ethiopian Airline eyna u qaadan in aan ganacsigooda dhaliilayo, Xaq ayaan u leeyahay in Kuwa Dalkeeygana aan xaqooda Ka hadlo.

FG: wixii iga khaldan Ka sax.

Qore: Yahya Amir