Gabal dumay iyo guri rogmaday ayay iiga dhigan tahay Geeridii Yariisoow.!!!

Salaan qiima badan, waji fur-furan, qalbi saafi ah, dhoola caddeyn iyo Sheeko aan laga xiisa dhaceyn oo aqoon iyo xikmad miiran ah ayaa mar walba laga heli jiray Guddoomiyihii innaga baxay, saaxiib, wallaal, macallinka iyo erayo kale oo ka tarjumaya af-macaanida lagu yaqaano dadka dabeecadda wanaagsan ayaa hal-hays u ahayd Allaha u naxariistee Duqii Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisoow.

Galabnimadii Khamiista aheyd oo ku beegneyd 1-dii Agoosto 2019-ka ayaa laga war-helay geerida Mayor-kii Muqdisho, naxdin iyo murugo ayaa la soo darastay qof walba oo maqlay warkaasi aan dhagaha u rooneyn!!

Ooyin ayay dadka qaarkiis jabsadeen, halka kuwa kalana naxdinta darteed ay la suuxeen, laga soo bilaabo Madaxweynaha Federaalka ilaa ruux kasta oo ku abtirsada ummad-weynta Soomaaliyeed waxay si isku mid ah uga wada naxeen geeridaasi xanuunka badan.

Miyi, magaalo iyo meel walba oo ay Soomaalidu ku sugan tahay si baahsan ayaa looga dareemay dhimashadii mutacalimkaasi, goob iyo geed kasta oo dadku ku kulmo, baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ee loo yaqaano Social Media-ha iyo qalabka kale ee Warbaahinta waxaa si xiriir ah uga socday ka sheekeynta taariikh nololeedkii marxuumka xijaabtay!

Xaqiiqdii ma-arag qof Soomaaliyeed oo ka saameyn badan sannadahaan dambe Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan {Yariisow} marka loo eego sida loo hadal hayay geeridiisa!
waa mutaystay marxuumku in guri walba laga dareemo, maxaa yeelay wuxuu ahaa Hal-door naftiisa u hibeeyay waxtarka wadankiisa, hubaashii wuxuu ahaa Aqoonyahan Alle jecel yahay, dadkiisana ay jeclaayeen.

Sifo ahaan wuxuu ahaa xilkas cibaado badan, daacad ah, xaq-soore ah isla markaana naxariis iyo deeqsinimo caan ku ah, taariikh-ahaan halyeey Yariisow kuraynimadiisii (yaraantiisii) illaa uu ifka ka wareegay wuxuu ahaa adeege u dhaga nugul Qarankiisa, Geeridu waa xaq, shaqsi walbana maalintiisa ayuu dha-dhamin doonaa balse shacbiga Soomaaaliyeed oo idil waxaa tiiraanyo ku reebtay geerida hanadkii inaga tagay!

“Rag waligiis waa go’i jiray laakiin kama gam’i karo geerida saaxiibkeey Yariisoow” Dhabtii geeridiisa waxay iiga dhigan tahay tahay “Gabal Dumay iyo Guri Rogmaday oo Kale”.

Shacbiga Soomaaliyeed Toddobaadkaan wuxuu waayay Caaqil culus oo aan la illoobi karin, wey adag tahay in la helo cid buuxin karto booskii uu banneeyay marxuumka, Duco ayuu naga mudan yahay inaan u hibayno, Alle waxaan uga baryaynaa inuu Jannatul Fardows ka waraabiyo.

WD: C/Laahi Siikhaalow