Siday tahay in markan Dowladda Federaalka ay u wajahdo maamulka Somaliland (Soomaaliya-diid)..?

Inta aanan u gelin sida ay tahay in markan loo wajaho maamulka Somaliland ee Soomaali-diidka, Aan marka hore wax ka iraahdo ereyo ay waayadan caadeysteen qaar ka mid ah dadka Soomaalida, gaar ahaan dadka ku abtirsada bahda warbaahinta. Ereyadaasi oo wax u dhimayo midnimada, wadajirka dalka iyo waliba dareenka dadka Soomaalida ee walaalaha ee ay waayadani ku socdaan shirqoolada baahsan.

Sidan soo sheegeyba, Waxay dadka qaar caadeysteen isticmaalka ereyada “Soomaaliya iyo Soomaaliland iyo kuwa la mid ah”, Kuwaasi oo loola jeedo marka laga hadlayo Dowladda Federaalka iyo maamulka Soomaaliland balse loo dhigayo sida labo dal oo kala duwan oo kale, halkii ay ahayd in mid walbaaba loogu yeero magaca uu wato maadaama waxa laga hadlayo ay yihiin maamullo marxaladdan dhisan.

Waa wax lala yaabo runtii in magacii Dowladda Federaalka laga dhigo sida magac daleed oo kale ama loo sawiro inay tahay dowlad ay leeyihiin dadka reer Koonfureedka. Taana waxay ka hor imaaneysaa qaabka ay u dhisan tahay iyo mandate-ka ay haysataba. Dowladda Federaalku, ma ahan dowlad ay iska leeyiihiin qabaa’il gaar ah ama dad ka soo jeeda deegaanno gaar ah. Bal waa dowlad guud oo ay ku wada jiraan Soomaali oo dhan.

Waxaa sidoo kale wax laga xumaado ah in magacii maamulka Soomaaliland isagana laga dhigo sida magac daleed oo kale. Taasi oo runtii noqoneysa jahli iyo aqoondarro baahsan. Soomaaliland, ma ahan dal madaxbanaan bal waa maamul la mid ah maamulada kale ee dalka ka jira sida Xarakada Al-shabab, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo waliba kuwa la midka ah. Waana sababtaasi sababta keentay in la aqoonsan waayo.

Tan iyo markii dalka laga ceyriyey gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga waxba iskama badalin qaabkii uu Caalamka u yaqaannay dalkeenna. Taana waxaa u daliil ah safaaradaha maanta ka furan Muqdisho oo ah caasimadda wadankeenna. Waxaa kaloo daliil ah qaabka ay saxaafadda Caalamka uga hadasho arimaha gudaha dalkeenna oo aadan marna ku arkeynin wax la yiraahdo Soomaaliya iyo Soomaaliland, iyadoo waliba la og yahay waxa ka dhex jira gudaha dadka Soomaalida.

Tan kale, ma waxay idin la tahay in Caalamku uusan ka warqabin taariikhda dadka Soomaalida ? Sidoo kale, ma waxay idin la tahay inaan lala socon kala duwaanshaha ka dhex jirta gudaha dadka reer Waqooyiga oo qaarkood aad uga soo horjeeda riyadan ay wareejinayaan Muusa Biixi iyo Faysal Cali Waraabe ? Ma waxay idin la tahay in Aduunyadu aysan la socon in Soomaalidu ay yihiin mujtamic qabali ah, islamarkaana kor ka ah hal qoys oo weyn !
Anigu, waxaan qabaa inaan loo baahneyn isticmaalka ereyada “Soomaaliya iyo Soomaaliland” maadaama ay dhaawacayaan midnimada iyo wadajirka dadka Soomaalida iyo dalkooda. Waxaan kalo qabaa in lagu kaaftoomo isticmaalka magacyada ay sitaan maamulada dalka ka jira oo ah halka mar walba loo dan leeyahay. Maxay tahay sababta loogu baahan yahay sheegidda magac daleed hadiiba laga hadlayo maamullo dhisan ?
Ugu danbeyn, waxaan ku talinayaa in la joojiyo isticmaalka ereyadaasi aan faa’iidada lahayn. Waxaan kaloo ku talinayaa in cadow loo arko qof kasta oo ereyadaasi isticmaala dantuu doonaba ha ka lahaadee. Ma aqbali karno runtii in horteenna lagu kala qeybiyo dalkeenna. Waxaana ugu baaqayaa hay’adaha sharciga ee Dowladda Federaalka inay talaabo ka qaadaan dadka isticmaala ereyadaasi, gaar ahaan kuwa ku jira warbaahinta.

Haddii aan dib ugu soo laabto dulucda qormadeyda oo aan kaga waramo sida ay tahay in markan loo wajaho maamulka Soomaaliland ee Soomaali-diidka ah. Kaasi oo si toos ah u caddeystay sida ay uga go’an tahay kala dhantaalidda midnimada iyo wadajirka dadka Soomaalida iyo dalkooda, Iyadoo waliba loo marayo waddo kasta oo ay ku jirto xittaa taageeridda dal doonayo inuu boobo dhul Soomaaliyeed si un looga helo dalkaasi wax un ictiraaf ah !!

Sidan soo sheegeyba, maamulka Soomaaliland ayaa maalinba maalinta ka danbeysa ku sii adkeysanayo kala goynta dalka iyo dadka Soomaalida, Isagoona u marayo wasiilo kasta oo la heli karo. Waxayna arintu gaartay heer ah in uu la safto dal cadow ku ah dadka Soomaaliyeed iyo dowladdooda federaaliga ah. Dalkaasi oo waliba haysto dhul iyo dad Soomaaliyeed oo uu siiyey gumeystihii Ingiriiska.

Intaa kuma eka, Ee waxa uu maamulka Somaliland wadaa caburin baahsan oo ka daran xittaa tii lagu eedeyn jiray taliskii Maxamed Siyaad. Taasi ku habsaneysa qof kasta oo Soomaali ah, Kaasi oo laga dareemo jaceyl Soomaalinimo iyo waliba muujinta astaamaha qaranka sida calanka buluugga oo kale. Halka cayda qabaa’isha, aflagaadada madaxda, ka been-sheegidda taariikhda iyo waliba caga-juleynta ay iska noqotay wax caadi ah.

Tusaale ahaan, waxaa deegaanadaasi ka lumay dareenkii Soomaalinimo ee ay astaanta u ahayd midnimada iyo wadajirka, Halka uu dhinaca kalena kobcay jaceylka loo qabo Xabashida iyo kuwa maamula. Ilaa ay arintu gaartay heer ah in la isbarbardhigo wiilka Soomaaliyeed iyo midka Xabashiga ah. Taasi oo calaamad u ah heerka uu gaarsiisan yahay naceybka jira. Ma jirto Soomaali heerkan gaartay xagga xumaanta xittaa marka lagu daro xiligii Gumeystayaashii reer Yurub.
Intaa waxaa ka daran dagaalada uu Maamulkaasi wado, Kuwaasi oo uu ku doonayo inuu ku qabsado dhul hor leh oo aan laga rabin aragtidiisa gurracan. Waxaana dagaaladaasi ka mid ah kuwa uu ku qaaday maamulka Puntland ee la dariska ah. Dagaaladaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomaali ah oo u badan ciidan u shaqeynayey labadaasi maamul. Halka dhinaca kalena ay ku barakaceen dad badan oo aan waxbo galabsan !!
Mar haddii ay arintu heerkan gaartay, Islamarkaana ay qatar ku jirto midnimadii iyo madaxbanaanidii dalka, Iyadoona dhinaca kale aan lala jaanqaadi karin marxaladdan cusub ay Soomaalidu mareyso. Taasi oo runtii u baahan wajiyo cusub iyo qalbiyo cusub oo nadiif ah oo aysan ku jirin cuqdado gaamuray oo waqtigoodii la soo dhaafay. Hadabo, waa maxay sida ay tahay in markan loo wajaho maamulkan Soomaali-diidka ah?

Anigu, markii aan waxyaabo badan indho-indheeyey anigoo waliba wax ku saleynayo aqoonta aan u leeyahay kuwa majaraha u hayo maamulkaasi oo ah runtii kuwa fogaaday gaar ahaan xagga Soomaalinimada iyo wadajirka. Markii aan qiimeeyey meesha ay hadda taagan yihiin shaqsiyaadka horsocda maamulkaasi sida Muusa Biixi oo kale. Ugu daneyn, waxaa ii soo baxday in markan loo baahan yahay in maamulkaasi loola dhaqmo si ka duwan sidii hore.

Sidan soo sheegeyba, Waxaan qabaa in markan Dowladda Federaalka ay ula dhaqanto maamulka Soomaaliland si ka duwan sidii hore, Iyadoo ku dhaqaaqeysa qorshe ka kooban sedex waji. Kaasi oo loo fulinayo si wadajir ah si meesha looga saaro maamulkaasi Soomaali-diidka ah ee ay ka go’an tahay kala qeybinta dadka Soomaalida iyo dalkooda. Qorshahan oo ka kooban sedexdan waji:

Kow, In la soo afjaro dhammaan xirirada uu maamulkaasi la leeyahay dhinacyada dibadda sida dowladaha oo kale, Iyadoo dhinacyadaasi la saarayo cadaadisyo xooggan si ay u joojiyaan xiriirada tooska ah ee ay la leeyihiin maamulkaasi Soomaali-diidka ah. Halka dhinaca kalena lagu qasbayo dhinacyadaasi inay la macaamilaan Dowladda Dhexe maadaama ay Iyadu masuul ka tahay deegaanadaasi.

Labo, In la taageero dhammaan dhinacyada ka soo horjeeda nidaamkaasi sida dadka ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Awdal oo kale Iyadoo loo dhisayo maamul goboleedyo taageersan midnimada iyo wadajirka dalka, Islamarkaana u adeega dadka ka soo jeeda deegaanadaasi oo ah dad ay ku weyn tahay midnimada iyo wadajirka dalka. Maamuladaasi oo qeyb ka ah hanaanka federaaliga ee dalka ka jira.

Wey fududdahay runtii in deegaanadaasi laga dhiso maamul goboleedyo sida Khaatumo State oo kale maadaama dadku ku dhaqan deegaanadaasi ay garwaaqsadeen inay meesha ka sii baxeyso qadiyaddii gooni-isutaagga iyo waliba fursadihii uu maamulkaasi haystay. Halka dhinaca kalena ay sii kobceyso awoodda Dowladda Dhexe. Taasi oo dooneysa in dalkan la mideeyo, Islamarkaana laga hergeliyo nidaam dowladeed oo si fiican u shaqeeya.

Haddii maamulka gacantiisa laga bixiyo gobolada kala ah Sool, Sanaag iyo Awdal, Taasi waxay soo dadajineysaa inay meesha ka baxdo awoodihi uu maamulkaasi lahaa haddii ay ahaan lahaayeen awoodo dhaqaale, kuwa siyaasadeed iyo waliba kuwa militari. Halka uu dhinaca kalena galayo go’doon baahsan maadaama dhinac walba laga xigo. Waxaa sidoo kale meesha ka baxayo sheekadii ahayd waxaan maamulnaa dhulkii uu Ingiriisku gumeysan jiray.
Sedex, In la taageero dadka ka soo jeeda beesha isaaq, gaar ahaan kuwa doonayo midnimada iyo wadajirka dalka Iyadoona lagu caawinayo sidii ay meesha uga saari lahaayeen maamulka Muusa Biixi. Kaas oo runti ay ku adag tahay in uu ka tanaasulo qadiyadda gooni-isutaagga. Waxaa sidoo kale maamulkaasi ku adag in uu aqbalo hanaanka federaalismka ee dalka ka jira. Waana sababtaasi sababta aan u leeyahay waa in meesha laga saaraa.

Haddii aan nahay xoogagga Islaamiyiinta Soomaalida marka laga reebo Xarakada Al-shabab, waxaan diyaar u nahay inaan Dowladda Federaalka ka caawinno sidii ay meesha uga saari lahayd maamul kasta oo caqabad ku noqda helitaanka qaran Soomaaliyeed oo mid ah. Waxaan kaloo diyaar u nahay in Dowladda aan ka caawinno sidii ay uga faa’iideysan lahayd biseylka ka muuqda dadweynaha Soomaaliyeed, Kuwaasi oo aad mooddo inay ku daaleen aragti aan shaqeyneynin.

Ugu danbeyn, waxaan kula talinayaa Dowladda Federaalka inaysan waqti badan ku luminin la hadalka maamulka Soomaaliland maadaama uu maamulkaasi ka tanaasuleyn qadiyadda gooni-isutaagga. Waxaan kaloo kula talinayaa in xoogga la saaro sidii nidaamkaasi meesha looga saari lahaa Iyadoo la adeegsanayo awoodda dowladda, culimada, ganacsatada, aqoonyahanada iyo waliba warbaahinta ay gacanta ku hayaan dadka ay ku weyn tahay midnimada iyo wadajira dalka.
W/Q: Maxamed Ibrahim