Ogeysiis: Madasha Samawadaag iyo sidaad ugu kalsoonaataa noloshaada Göteborg iyo 1 Agosto

Dhammaan bulshadda soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyaradda ku nool magaalada Göteborg iyo nawaaxigeeda lugu wargelinayaa in ay nagala soo qeyb galaan kulan looga doono xaalada dhalinyaradeena.
Mowduuca iyo cinwaanka kulankan ayaa ah ”Sidaad ugu kalsoonaata naftaada?”. Kulankan waxaa soo qban qaabiyey Madasha wacyigelinta ee SAMAWADAAG.
Madasha Samawadaag

Waa madal ay hal abuurkeedu leeyihiin dhalinyarro isku tagay oo isku fikir ah, kana damqaday daruufa iyo xaaladaha adag ee bulshadeenna soomaaliyeed ku heeysta meel walba. SAMMAWADAAG, waxaa ay soo gudbin doontaa mowduucyo doodo ah, kulamo wacyigelin ah iyo cilmi baaris la xirriira bulshadeenna qurbaha u soo hayaantan gaar ahaa dalalka Iskaandaneefiyanka ee Waqooyiga Yurub.
Xaggee: Göteborg
Goobta: Januarigatan 2
Saacada: 18.00 ama 6.00 maqribnimo
Taariikhda: khamisi 1/8
Waxaanu rajananaa haddii Alla idmo in aad nagala soo qabgali doontaan kulankan looga munaaqishoonayo xaaladaha dhalinteena iyo sida ay lama huraan u tahay in ay naftooda ku kalsoonadaan si horumar dhinacyo badan ah ay nolosha uga sal gaaraan. Ku soo dhawaada gacmo iyo qalbi furan!

Wixii su’ aalo talo iyo tusaalooyin ah kala xirriir!
Fahma Maxamuud oo ah isku duwaha barnaamijkan
Telefoon: 0729455825