Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Xukun ku riday Askari Lagu eedeeyay inuu Fududeeyay Dilkii Paul Anthony Farmosa

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa kasoo muuqday Askari ka tirsan Ciidanka Puntland,kaasi oo lagu eedeeyay inuu fududeeyay dilkii loo geystay Madaxii Shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa.

Maxkamadda ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 29-ka Bisha Luuliyo 2019 u fariisatay dacwada loo heysto Dable Cabdi Cali Xirsi oo ka tirsan Ciidanka Puntland,isla markaana kamid aha dad loo qabtay dilkii loo geystay Paul Anthony Farmosa 4-Feb-2019.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa Dable Cabdi Cali Xirsi ku xukuntay dil Toogasho ah,kadib markii ay dhageystay dacwada loo geysto.

Sidoo kale Go’aanka Maxkamadda Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inuu rafcaan u furan yahay Askariga ka tirsan Ciidanka dowlad Goboleedka Puntland,kaasi oo lagu eedeeyay inuu fududeeyay dilkii loo geystay Madaxii Shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa 4-Feb-2019 waxaa Paul Anthony Farmosa,waxaana dilka Mas’uuliyadaas sheegtay Al-shabaab.

Xukun Lagu Riday Askari Lagu Eedeeyay Inuu Fududeeyay Dilkii Paul Anthony Farmosa

Posted by SBC Somali TV on Monday, July 29, 2019