Wasiir Beyle “Qurba-joogtaa Soomaaliyeed wax badan ayay Dalka u qabteen, ka badan ayaa wali..”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka qeyb galay shirka Qurba-Joogta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaaldaas.

Wasiir Beyle oo Khudbad ka jeediyay shirka Qurba-Joogta Soomaaliyeed ayaa faah faahiyay guulaha dhaqaale oo dalka gaaray iyo horumada kale oo la tiigsanayo.

Soomaalida Qurbaha ku nool ayuu ku ammaanay Wasiirka Maaliyada dadaalka iyo dhaqaalaha ay u soo dirayan dalka Soomaaliya,taasi oo uu sheegay in wax badan ka qabatay Biihiyaha qaar ee dalka ka jiray.

“Qurba-joogtaa Soomaaliyeed waxbadan ayay Dalka u qabteen, ka badan ayaa wali looga sii baahan yahay, Horumarka Soomaaliya cid marti ka ah ma jirto Qurbe ama kuwa Qarnka jooga, waa inaan wadajir uga wada shaqeynaa Dalkasta dadkiisa ayaa dhisa, Soomaaliya Soomaali uunbaa dhisi karta”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qeyb gali doona shirar ku saabsan horumarka Maaliyadda dalka.