Daawo: Diyaaradii siday dhaawacii Eng Yariisow oo mar dhow la degi doonto Doha, Qatar

Waxaa maanta dalka Qatar loo qaaday dhaawacii gudoomiyaha Gobolka Babaadir Eng Yariisow, waxaana la filaayaa inay mar dhow soo caga dhigato magaalada Doha ee dalka Qatar.

Sida wararka nagu soo gaarayaan waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Mogadishu timid diyaarad qaas ah oo daabushay dhaawacyadii soo gaaray mas’uuliyiintii Ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir.

Dhaawacyada dalka Qatar loo qaaday ee Guddoomiye Abdirahman Omar Osman iyo Walaasheey Zeynab Xaabzey kamid tahay waxaa hore usii raacay Wasiiradeena Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha DFS Marwo Khadiija M. Diiriye Fillipin Cadde iyo 16 kale oo kamid ahaa ehelada dhaawacyada.

Dhaawacyada la qaaday kuma koobneen kuwii shalay qaraxii Argagaxiso ee xarunta gobalka Banaadir ka dhacay, sidoo kale dhaawacyadii qaraxii Isniinta ka dhacay KM4 oo aad u darnaa ayaa la qaaday oo dalka Qatar lagu soo daaweynayaa.

Muddo saacado ah ayay diyaaradda ku sugneyd garoonka, intii la saarayay dhaawacyada, waxaa lala tacaalayay dhaawacyada qaarkood oo aad u darnaa ka hor inta aanay diyaarada hawada gelin, laguna xirayay qalab lagula soconayo xaalada dhaawacyada, waxaana diyaarada tahay nooca Ambulance-ga oo leh adeeg Caafimaad lagula tacaali karo dhaawacyada halista ah inta Safarka lagu jiro.

Walaalaheenana dhaawaca ah maanta duco kaliya ayay naga mudan yihiin iyo garab istaag. Illaah ha caafiyo iyagoo Caafimaad qabana Illaah hanoo soo celiyo. AAMIIN AAMIIN

Goordhow diyaaraddi siddey dhaawaca guddoomiye Yariisow iyo howlwadeennadii kale ee gobolka waxay caga-dhigan doonta Doha Qatar.

Posted by Wasaaradda Amniga Soomaaliya on Thursday, July 25, 2019