Wafdi uu Hogaaminaayo RW ku xigeenka dalka oo Casho Sharaf loogu sameeyay Magaalada Baydhabo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo xalay ka qayb galay munaasabad sagootin ah oo loogu sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa jeediyay khudbad dheer oo dhinacya badan taabaneysa.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo madaxweynaha Koonfur Galbeed , guud ahaan maamulka dowlad gobaleedka iyo shacabka Koonfur Galbeed uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran, ayaa ka hadlay qiimaha federaalku uu bulshada u leeyahay, midnimada, wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada iyo doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa casho sharaf sagootin ah u sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ee shalay ka qayb galay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka oo ay soo agaasintay waraaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka xukuumadda federaalka Soomaaliya.