Dabaylo Xooggan Oo Ku Wajahan Deegaanadda Ku Teedsan Xeebta Kenya

Waaxda Saadaasha Cimilada ee dalkaasi waxay ka digtay inay dabaylo xooggan garaaci doonto Xeebta Kenya, laga bilaabo maanta oo Axad ah.

Dabaylahaasi ayaa laga yaabaa inay aad u xoogeysato maalinta berrito oo Isniin ah, iyadoo ku socon doonta xawli dhan 25 mitir ilbiriqsiiba berrito maalinta oo dhan.

Dabaysha laga digay inay ku habsan doonto deegaanadda ku teedsan Xeebta Kenya ayaa la sheegay inay Mowjadaha Sare gaari doonaan in ka badan 3 mitir, waxaana la rajeynayaa inay Dabayluhu kusii socdaan Mowjadaha Sare  ilaa bishan July 23-da, oo ku beegan maalinta Talaadada

Waaxda Saadaasha Cimillada ee Kenya waxay kaloo sheegtay in dabaylaha xooggan la filayo inay bishan July 24-da hoos uga soo dhacaan ilaa 20 mitir Ilbiriqsigiiba.

Sidoo kale, dhererka mowjadaha ayaa laga yaabaa inay hoos uga soo dhacdo 2 mitir isla maalintaasi.

Deegaanada digniinta sare laga muujiyey inay ku dhuftaan Dabaylahaasi xooggan ayaa kala ah Degmooyinka Lamu, Kilifi, Mombasa, Kwale iyo Taita Taveta.

Dabaysha xooggan ee ku wajahan dhulka Xeebleyda Kenya ayaa laga digay inay suurtogal tahay inay la tagaan Saqafka Sare ee guryaha, inay soo rujiyaan xidadada Geedaha iyo inay geystaan khasaaro dhinac qaab-dhismeedka Inkaaniyaadka Adeegyaada Bulshadda.

Dadka u dhow dhulka Xeebleyda ayaa la sheegay inay Dabaylaha geysan karaan inay doonyaha qalibmaan iyo inay khatar geliyaan ammaanka dadka dhaqdhaqaaqyada dabaasha iyo ciyaaraha biyaha u taga Xeebaha.