Qaraxii Kismaayo Waxaa Ku dhintay Hodon Naaleeye iyo Seygeedii

Weerarkii Kismaayo oo la soo xaqiijiyey iney Ku dhinteen  Hodan Naaleeye iyo Saygeedii.

innaa lillayhi waa innaa ilayhi raajicuun!!

Allaha u naxariisto Hodan Naleye iyo seygeeda oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday qaraxii galabta ka dhacay Kismaayo, maanta ayay Ajasheeda ku gashay Kismaayo.

Hodan waxay ka mid aheyd dadka fara ku tiriska ee Qurbaha ka yimid oo soo kordhiyay hal abuur lagu xoojinayo Nabadda, wacyigelinta bulshada, horumarinta dhulka Soomaalida, soo bandhigida bilicda dalka iyo nolosha dadka reer miyiga ee dhulka Soomaalida, sidoo kale waxay aheyd howlkar sama fale ah oo soo gudbisa dhibaatooyinka bani’aadanimo ee ka jira guud ahaan dalka.

Innaa wa innaa ilaahi raajacuun allaha u nahariisto walaasheen Hodan Naaleeye

Posted by Ahmed A. Siyad on Friday, July 12, 2019

Ururka Al-Shabaab ayaa durba sheegtay Mas’uuliyadda weerar iyo qaraxyo lagu qaaday Hotel ku yaal Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland. Jugta qarax xooggan ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Hoteel ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo oo ay deganyihiin siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xoogagoodu ay weerar xooggan ku qaadeen Hoteelka Cascaseey “Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi iyo Inqimaasi ah ku qaaday mid kamida Hoteellada ay deganyihiin saraakiisha maamulka Jubbaland” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay. Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahannada weerarka qaaday ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Hoteelka Cascaseey halkaas oo ay ka wadaan toogasho.