Kulan lagu nabadeenaayo Cadale, Warsheekh iyo Raage ceele oo Wali ka socdo …

Kulan daba socda kii Cadale iyo Muqadisho oo lagu dardargelinayay nabadeenta iyo hormarinta deegananada Cadale, Raage ceele iyo Warsheikh ayee maanta la yeesheen Xildhibaanada kala ah Ali saciid, Mh Mooge iyo Zakariye Muumin Mudane Ali Abdullahi Hussein (Guudlaawe) ahna Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle iyo Gudoomiyaga Gobolka Sh/dhaxe Ahmed Meyre Makaraan oo wehliyo gudoomiye ku xigeenkiisa mudane Abdullahi Ahmed Shitaawe. Dhammaan kulanada si wacan ayee ku soo dhammaadeen.

Waxaa maalintii 5ta Luuliyo kulan isugu yimid Xildhibaanada kala ah Zakariye muumin, Ali Said iyo MH Mooge iyo gudoomiye Omar ali Nur kaas oo daba socda kulankii hore isugu yimaadeen gudoomiyeyaasha degmooyinka Cadale, Raage ceele iyo Warsheikh oo ay ku wehliyeen xildhibanadooda iyo maamulka gobolka Sh/dhaxe oo ka dhacay 28ka bisha Juun 2019 Degmada Cadale.

Dhammaan kulanadaas si wanaagsan ayee ku soo dhammaadeen waxaana looga arrinsaday Amniga iyo hormarinta degmooyinkaas. Waxaa laysla gartay in ugu horeyn in la xaliyo arrinta degaanka Cadale oo burdheere ugu horeyso.