Xafiisyada QM iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya oo dardar gelinaya wada shaqeyntooda

Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay oo maalin ka hor soo gaaray Muqdisho ayaa ballan qaaday in QM iyo Midowga Afrika ay ka wada shaqeyn doonaan sidii nabad buuxda loogu soo dabbaali lahaa Soomaaliya. Ballanqaadka Swan ayaa yimid kaddib kulan uu magaalada Muqdisho kula yeeshay madaxa howlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Labada masuul ayaa si qoto dheer u wada lafaguray xoojinta howlgallada ciidamada AMISOM ee jooga Soomaliya iyo sidii looga gun gaari lahaa dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab iyada oo lagu duulayo qorshayaasha millatari ee arrinkaa loo dajiyay.

Danjire Swan ayaa ciidamada AMISOM ku bogaadiyay sida ay ugu dhabar adeegeen xasilinta Soomaaliya iyo waddada dheer ee ay usoo mareen xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray isaga salaam diirran u diray ciidamada AMISOM.

“Bahwadaagta qudha ee aan leennahay waa Soomaalida iyo Midowga Afrika, xariirkaasina waxa uu lagama maarmaan u yahay dadaalladeenna wadajirka ee aan ku garab istaageyno Soomaaliya iyo shacabkeeda” ayuu yiri mudane Swan.

Dhankiisa danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa sheegay in waaya aragnimada danjiraha cusub ay Soomaaliya waxbadan ka faa’iidi doonto maadamada masuulku horay uga soo shaqeeyay dalka

“Waxaan u halgameynaa sidii aannu u mideyn lahayn dadaalada aan Soomaaliya ku xasilineyno iyo xoojinta dhinacyada siyaasadeed si loo gaaro natiijo wax ku ool ah” ayuu yiri Madeira.

Swan ayaa bishii May loo soo magacaabay xilka danjirannimo ee Soomaaliya isaga oo badalay danjire Haysom oo billowgii sanadkan ay dowladda Soomaaliya dalka ka ceyrisay.